Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar lagu qaaday Hotelka Dusit 2 ee magaalada Niarobi, dalka Kenya.
Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo, kadibna waxaa xigtay rasaas ka dhaceysa Hotelka Dusit oo ah dhisme weyn oo isku xiran, kaasoo ku yaalla degmada Westland ee magaalada Nairobi, iyadoo ciidamada gaarka ah halkaasi loo diray.
Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegay in ay xireen dhammaan jidadka laga soo galo hotelka Dusit, waxaana agagaarka hotelka ku gubtay gawaari fara badan, kadib qaraxyada halkaasi ka dhacay.
Waxaa weli socda rasaasta dhex mareysa ciidamada iyo dableyda iyadoo aanay caddeyn cidda weerarka soo qaaday ioo loo maleynayo kooxda Alshabaab. Booliska ayaa soo badbaadinaya dad kasoo cararraya dhismaha Hotelka iyo aagga rasaastu ka socoto ee qaraxa ka dhacay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in 6 dabley ah ay weerarreen hotelka Dusit, ayna gudaha u galeen hotelka, waxaana ilaa hadda Warbaahinta Kenya ay sheegtay inay dhinteen 3 qof, lana filayo inay sare u kacaan.