Koox dabley ah ayaa weerar ku qaaday Baar ay diblomaasiyiinta tagaan kuna qaxweeyaan oo ku yaala xaafadda Gulshan ee caasimadda Bangaladesh ee Dhaka.
Weerarka oo kedis ahaa ayay dableyda rasaas is weydaarsadeen booliska, waxaana ay qafaasheen dad dhowr ah sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan.
Dadka ay afduubka u qabsadeen dableyda ayaa la sheegay inay ku jiraan dad ajaaniib ah oo gaareysa ilaa 9 nin oo caddaan ah, Dadka madax furashada loo heysto ayaa gaaraya 20 qof. Sarkaal boolis ayaa la sheegay inay weerarka ku dileen dableyda weerarka ku qaaday Baarka oo ahaa goob caan ah oo ay isugu tagaan dadka ajaaniibta ah iyo diblomaasiyiinta, waxaana lagu dhaawacay 5 askari oo kale markii iska hor imaad dhex maray dableyda iyo Booliska.
Ciidamada Booliska ayaa gebi ahaan xiray goobta weerarku ka dhacay ee afduubka loogu qabsaday dadka ay ku jiraan ajaaniibta.
Taliyaha Birmadka Booliska dalkaasi Benazir Ahmed ayaa sheegay inay doonayaan in arrinta lagu dhammeeyo si nabadgelyo ah, ayna dadaal ugu jiraan inay la hadlaan dableyda, iyadoo ujeedkoodu yahay inay badbaadiyaan dadka la heysto.
Baarka dableyda hubeysani weeraraan ayaa lagu magacaabaa Holey Artisan Bakery cafe, waxaana rasaas ku bilaabatay fiidkii caawa kadib 9-kii habeenino xilliga magaalada Dhaka.
Ma jirto cid sheegatay weerarkan, laakiin waxaa farta lagu fiiqayaa kooxda Islaamiga ee Daacish oo laga yaabo inay dalka ku yaala Aasiyada fog ay u dooratay bartilmaameed kale.
Wadani.com