War hadda so dhacaya ayaa sheegaya in qarax weyn oo ruxay magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd ka dhacay caasimadda Muqdisho.Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay magaalada inteeda badan, wuxuuna ka dhacay isgoyska Shaqaalaha, waxayna wararku sheegayaan inuu qarxay gaari hor yaallay maqaaayadda Italian coffee oo u dhow xarunta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Gaariga qarxay ayaa beegsaday maqaayadda caanka ah ee Italian coffee, waxaana la sheegay in 7 qof ay ku dhinteen ilaa toban qofna ay ku dhaawacmeen qaraxa.
DAAWO SAWIRRO: Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Qarixii Muqdisho