Radio Daljir oo fadhigiisu yahay degaanada Puntland ayaa qoraal uu sooo saaray ku sheegay in magaca DALJIR ee uu qaatay TV dowladda Federalaka maanta furtay uu yahay calaamad ay iyadu leedahay.
Qoraalka Radio Daljir ayaa lagu sheegay in Kannaalka cusub ee ka tirsan telefishinka Soomaaliya ee (SNTV) ee uu maanta xarig jaray madaxweynaha dawladda federaalka Xasan Sh Maxamuud, uu yahay magac ay leedahay warbaahinta gudaha Soomaaliya ugu weyn, lehna FM-yada ugu badan ee hawada Soomaaliya ku baaha, taasoo ah warbaahinta Daljir oo ku soo bilaabatay magaca Radio Daljir sannaddii 2003-dii.
“Warbaahinta Daljir iyo magaceeduba waa kuwo diiwaangashan, una diiwaangashan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo wasaaradaha kale dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, la aqoonsanyahay, sharci ah, misna canshuur bixiye ah. Sidaas darteed, waxaan Daljir ahaan u aragnaa tallaabadaasi la bixidda magaca Daljir ee Channel-ka Telefishinka Qaranka ee SNTV mid xadgudub sharci ah oo aan laga baaraandegin”.” ayaa lagu yiri qoraalka Radio Daljir.
Waxay sheegeen inay qoraal rasmi ah u gudbiyeen Hay’adaha dawladda ee ay qusayso arrintaan heer dawladeed, isla markaan ay qabsadeen qareen sharci. Dhinaca kale waxay soo dhaweyeen is ballaarin kasta oo Telefishinka Qaranku uu sameeyo oo aan cidna xadgudub ku ahayn.
