Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa baahisay muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo laga soo duubay Sheekh Aadan C/Raxmaan Warsame (Sh. Aadan Sunne) oo dhowaan ka baxsaday Somaliland.
Waxay Alshabaab ku tilmaameen Sheekh kasoo haajiray magaalada Hargeysa kuna soo biiro Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana Muxaadarada uu jeediyey oo soconeysa muddo 30 daqiiqo ka badan uu Sheekh Aadan Sunne uga hadlay xaalada maamulka Somaliland iyo inuu maamulka ka jira ka baxsan yahay shareecada Islaamka.
Shekha wuxuu si weyn u amaanay degaanada ay maamusho Al-Shabaab, wuxuuna farriimo gaarau diray dadka Somaliland iyo culimda degaanadaasi.
Aadan Sunne oo la sheegay inuu Amiirkii hore ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Abuu zubeyr ka shabaho khudbo jeedinta iyo gabayada lasoo qaato ayaa hore shaki looga muujiyey inuu doonayo inuu amadax ka noqdo Alshabaab.
