Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»K/Galbeed»WARBIXIN: Alshabab la wareegtay Saldhigii Laanta-buur & Gaadiidkii ugu badnaa oo ay ku qabsadeen

    WARBIXIN: Alshabab la wareegtay Saldhigii Laanta-buur & Gaadiidkii ugu badnaa oo ay ku qabsadeen

    March 21, 20162 Mins Read K/Galbeed
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Weerar xoog leh oo kooxda Alshabaab xalay ku qabsatay saldhigii ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Laantabuur, Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa keenay inay kooxdaasi la wareegto saldhigga muddo saacado ah iyagoo qasaare lixaad leh gaarsiiyay.

    Weerarkan ayay sheegatay Alshabaab inay laba jiho ka weeerareen saldhigga saqdii dhexe ee xalay, iyagoo sheegay in dagaalkaasi oo ahaa mid aad u culus oo ay ku dileen 73 askari oo ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya ayna qabsadeen ilaa 8 gaadiidka dagaalka ah iyo mid ah booyad oo halkaasi ku sugnaa.

    Afhayeenka howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu muscab ayaa sheegay inay halkaasi uga tageen oo qura hal gaari oo ay gubeen, gebi ahaanba ay rarteen hubkii, saanadii iyo gaadiidkii halkaasi yaalay oo ay cagta mariyeen saldhigga oo dhan.

    Ma jirin cid u gurmatay ciidamada xoogga dalka oo lagu qaaday mid kamid weeraradii ugu waaweyn ee Alshabaab kala kulmeen, kaasoo la mid ahaa weeraradii Leego, Jannaale iyo CeelCadde. Saldhigga Laanta-buur oo dhowr jeer Alshabaab weerareen wuxuu Afgooye oo saldhigyo ay ku leeyihiin AMISOM iyo ciidamada dowladda u jiraa in ka yar 15 KM.

    Qasaarihii ugu badnaa ee ciidamada dowladda soo gaara

    Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin weerarka lagu riiqday ee xalay ka dhacay Saldhigii ciidamada xoogga ee Laantabuur. Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/llaahi ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ciidamadii ku sugnaa xerada Laantabuur ay isaga baxeen xerada oo kaliya hal askari uu ka dhintay, wuxuuna qiray inay laga qabsaday 9 gaadiidka dagaalka iyo xamuulka isugu jira.

    Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray xerada Laantabuur ay aad u badnaayeen, hub culusna wateen oo aanay u babac dhigi karin ciidamada halkaas ku sugnaa.

    Alshabaab ayaa ku guuleysatay weerarkii 4-aad ee sidan oo kale ah oo ay ku qaado xerooyinka ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka, waxaana hore Shabaab ay weeraro noocan oo kale ah ay qasaarooyin lixaad gaarsiiyeen ciidamada Burundi oo saldhigoodii Leego ay la wareegeen, Ciidamada Uganda oo saldhigoodii Janaale ay ka qabsadeen, iyo ciidamada Kenya oo saldhigoodii Ceelcade ay cagta mariyeen.

    Wadani.com

    Alsahbaab oo qabsatay Laantabuur oo la qabsaday Xerada Laantbuur
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Dagaal dib uga qarxay Degaanka Garacad ee gobolka Mudug
    Next Article Somali militants overrun military base, killing at least one

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo