In ka badan 11 ruux ayaa ku dhintay iyadoo tiro kale oo ku dhow 19 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo manata ciidamo ka wada tirsan Milateriga Soomaaliya ku dhex maray Jaamacaddii hore ee Gaheyr Ee Degmada Hodan, magaalada Muqdisho.
Dagaalka ka dambeeyay kadib markii labada dhinac ay isku khilaafeen kaarar loo qeybinayay barakacayaal degaankaasi ku nool si loo siiyo mucaawino , waxaana dagaalka oo ka dhex dhacay xerada ay degan yihiin barakacayaal mucaawino doon ahaa.
Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa u badan dad Shacab ah oo rasaastu haleeshay, waxaana khasaaraha u badan yahay dadkii barakacayaasha ahaa oo u safnaa in sawir laga qaado si kaarar mucaawino loogu sameeyo.
Saraakiisha Ciidamada milateriga dalka ayaan weli war war ah ka soo saarin hadlin dagaalka ciidamadooda dhex maray iyo qasaaraha shacab ee ay gaarsiiyeen dadka, waxayna tani ka mid tahay hab dhaqanka ciidamada dowladda ee aan weli lagu guuleysan in ciidan rasmi ah laga dhigo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo degdeg u tegay Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in kuwii falkan ka danbeeyay ay yihiin mooryaan, qaarkood iyagoo dhaawac ah la xiray, laguna daba jiro kuwii kale oo ciidamada nabad sugidda ay baarayaan.
Wadani.com