Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Warbixin Cusub oo ka hadleysa Xasuuq ay Ciidamo Somali ah ka geysteen Gobolka Tigray (Akhriso)

    Warbixin Cusub oo ka hadleysa Xasuuq ay Ciidamo Somali ah ka geysteen Gobolka Tigray (Akhriso)

    January 21, 2022Updated:January 21, 20222 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warbixin cuusb oo uu qoray wargeyska “The Globe and Mail” ee kasoo baxa dalka Canada ayaa soo shac bixisay xasuuq la sheegay ianu ciidamo Soomaali ah oo la socday kuwa Eritrea ka geysteen Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya bilowgii dagaalka.

    Warbixinta ayaa soo xigatay marqaatiyeyaal Tigray u dhashay oo ku sugnaa magaalooyinka ay tacadiyada ka geysteen Soomaalida ee la socday kuwa Eritrea, sida ay da ku gowareen goobo Kaniisado ah.

    Markhaatiyaasha uu wargeyska la hadlay waxaa ka mida nin 52 jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Gebretsadik, kaasoo sheegay inuu daggan yahay xaafadda Zebangedena ee ku taalla waqooyiga-bari ee gobolka Tigray.

    “Meydadka wadaad diimeedyo oo madaxa uu ka go’an yahay ayaan ku arkay waddooyinka xaafaddeyda, bishii December ee 2020-kii,” ayuu yiri.

    Gebretsadik ayaa intaas ku daray: “Ciidamada Soomaalida oo qabsaday xaafaddeyda ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday kaniisadaha waxayna laayeen baadariyaasha. Way gowraceen.” Ciidanka Soomaalida iyo Ereitrea ayaa xaafaddaas ku sugnaa ilaa dabayaaqadii bishii February, sida uu sheegay ninkan ka midka ah dadka deegaanka.

    Dadka kale ee xogta laga soo xigtay waxaa ka mid ah beeraley 32 jir ah oo la yiraahdo Berket, kuna sugan xaafadda Mai Harmaz ee gobolka Tigray, kaasoo yidhi: “Ciidanka Eritrea su’aalo ayay ku weydiinayaan ka hor inta aysan ku dilin, balse kuwa Soomaalida ah ma sameeyaan sidaas.” Waxa uu intaas ku daray in baadariyaasha la dilay uu ka mid ahaa nin ay deris ahaayeen oo 76 jir ahaa.

    Warbixinta wargeyska The Globe and Mail ayaa inteeda badan ku dhisan dad la qariyey magacyadooda iyo xog uu bixiyey nin sarkaal ahaa, iyadoo aan soo bandhigin caddeyn lagu xaqiijin karo arrintan oo muddo sanad ka badan la hadal hayey, laakiin aan weli loo helin caddeyn buuxda.

    Waxaa warbixinta Wargeyska ku jira in cidiimada Soomaaliya ee tegay Gobolka Tigray ay tiradoodu ahayd 10,000 skari, taaso oah mid xaqiiqada ka fog.

    Bartamihii sanadkii 2021-kii, warbixin ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay ku biireen dagaalka Tigray oo khasaare badan dhaliyay.

    Ertirea Ethopia Somalia Tigray Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleProf. Cabdi Ismaciil: “Rooble wuxuu noqday Omicron Covid-19 oo ka darran Covid-kii Farmaajo..”
    Next Article Wuxuu Qoraalku marag-fur u yahay in talada dalka ku koobnayd Fahad iyo Famaajo (Fal-celin)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo