Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO WARBIXIN CUSUB: Shaqsiyadda ninkii isku qarxiyay Diyaaradii Daallo Airlines

    AKHRISO WARBIXIN CUSUB: Shaqsiyadda ninkii isku qarxiyay Diyaaradii Daallo Airlines

    February 17, 2016Updated:February 17, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin hor leh ayaa kasoo baxeysa ninka la tuhunsan yahay inuu isku qarxiyay Diyaaradii Daallo Airlines 2-dii bishan isagoo Laptop lagu rakibay waxyaabo qarxa la raacay diyaaradda oo hawada qaraxu kula dhacay, kadibna dib ugu soo laabatay garoonka Muqdisho.

    Sida ay qortay wakaalada wararka AP, C/llaahi C/salaan Boorle ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa macalin dugsi quraan oo bashaash ah, isla markaana uu dhibaato ka qabay lug uu ka xanuunsanayay, isagoo rabay inuu caafimaad ahana u tago Turkiga ama India si lugtaas looga daweeyo.

    Sheekh Maxamed Cabdullaahi oo imaam ka ah masjid ku yaala magaalada Hargeysa oo ninka is qarxiyay ee Boorle ka yimid lana kulmay bishii Janaayo ee sanadkan ayaa sheegay in da’da Cabdullaahi Boorle ku qiyaasay 50-52 sano jir oo ka xanuunsanayay lug isagoo ku tukubi jiray ul.

    Shirqoole

    “Wuxuu Muqdisho u aaday inuu helo baasaboor si uu caafimaad ahaan ugu aado Turkiga ama India ujeedkiisuna wuxuu ahaa inuu lugta laga hayo soo adkeysto” ayuu yiri Sheekh Maxamed C/llaahi

    Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Somaliland ayaa shegeay inay  isha ku hayeen Boorleh, laakiin aanu ahayn qof halis laga filanayay. Waxaa kaloo la baarayaa xiriirka ninka is qarxiyay la leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la sheegay inay fiiso uga dalabtay safaaradda Turkiga arrintan oo  safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay beenisay.

    Ninka is qarxiyay ee Cabdullaahi Boorle ayaa lagu sheegay nin islaami ah oo diinta ku dhegan balse aan koox ku xirneyn, magaalada uu kasoo jeedo ee Boorame ayaa iyaduna degaan ahaan ka fog meelaha ay ka howlgalaan Alshabaab, balse ay jiraan dad taageersan Alshabaab. Wuxuu ahaa macalin quraanka bara caruurta oo aan wax shaqo ah ku lahayn siyaasad, garka ayuuna deysan jiray.

    Waa nin xaas iyo caruur lahaa inkastoo tiradooda aan la helin. dadka aqoonta u lahaa Cabdullaahi Boorle waxay sheegeen inay ku adag tahay inay rumeystaan inuu ahaa qofka is qarxiyay ee  diyaaradda Daallo Airlines qaraxa la beegsaday.

     

    Source: AP

    Cabdullaahi Boorle Daallo Airlines Qarixiii Daallo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay duleedka degmada Afgooye
    Next Article Somali plane bomber was known as religious but not extremist

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo