Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»WARBIXIN CUSUB: Ra’iisal wasaaraha Turkiga oo dil ka badbaaday & diyaarada Ordogan oo halis gashay

    WARBIXIN CUSUB: Ra’iisal wasaaraha Turkiga oo dil ka badbaaday & diyaarada Ordogan oo halis gashay

    July 18, 2016Updated:July 18, 20162 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo baxay faahfaahin ku saabsan sidii uu u dhacay Afgembigii dhicisoobay ee dalka Turkiga habeenkii Jimacaha,

    waxayka kooxda ciidamada ka tirsan ee Inqilaabka  dhigay ay ku sigteen inay dilaan Ra’iisal wasaaraha Turkihga Binali Yelderim iyo waliba inay soo ridaan diyaaradii uu la socday madaxweyne Ordogan.

    Sida warbixintu sheegeyso Madaxweynaha Turkiga ayaa wax yar ka dib markii inqilaabku dhacay diyaaradiisii kasoo raacay degaanka Marmaris oo ah meel loo dalxiis tago isagoo u soo jiheystay garoonka magaalada Istanbuul oo markaas  ay gacanta ku hayeen askarta inqilaabka sameysay.

    Arrinta dhacday waxay ahayd in laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ee F -16 oo ay wateen askrta inqilaanka dhigtay ay hawada ku jireen oo ay arkayeen diyaaradda uu la socdo Ordogan isla markaana aanay wax rasaas ah ku ridin, taasoo keeni lahayd in diyaradda ay dhacdo halkaasina uu ku dhinto madaxweyne Ordogan.

    Lama oga ilaa iyo hadda sababta ay taasi u dhici weyday, taasoo keentay in mucaaradka Ordogan ay ku eedeeyaan inuu isagu abaabulay afgembiga. Saraakiil Turkiga ah ayaa laga soo xigtay in diyaarada Ordogan ay dhibaatooyin kala kulantay hawadda. Ordogan ayaa laftiisa sheegay in halkii uu ku sugnaa ee degaanka Marmaris la duqeeyay markii uu ka dhoofay kadib, waxaana muuqata inuu daqiiqado yar uga badbaaday geeri xaqiiqo ahayd.

    Telefishanka CNN TURK ayaa iska sheegay in 25 askari ay weerar ku qaadeen goobtii uu ku sugnaa madaxweyne Ordogan ee Marmaris oo ay rasaas ku fureen, taasoo ahayd qorshe lagu khaarijin lahaa. Waxaana la sheegay haddii arrintaasi dhici lahayd in Turkiga uu ka qarxi lahaa dagaal sokeeye.

    Qisada kale ee la yaabka leh waxay iyaduna ahayd Ra’iisal wasaaraha Turkiga oo isna si la yaab leh ku badbaaday, sida uu sheegay mas’uul Turki ah. Arrintan ayaa dhacday markii ciidamada inqilaabka dhigay ay rasaas ku fureen isla markaana duqeeyeen xaruntii uu ku sugnaa Ra’iisal wasaare Binali Yelderim, laakiin uu ka badbaaday.

    Ciidamada Inqilaabka dhigay waxay duqeeyeen dhismaha Baarlamaanka dalkaasi, xarunta Sirdoonka iyo xarumo kale; waxay qabsadeen Garoonka Istanbuul, Buundada weyn ee magaaladaasi, iyagoo magaalooyinka waaaweyn diyaaradaha dagaalka joog hoose ku duulay.

    Waxaa diyaar u ahaa diyaaro fara badan iyo 15 duuliye oo fulinayay amarka saraakiisha dhigtay inqilaabka, waxayna ka howlgalayaan ilaa 3 ka mida saldhigyada ciidamada cirka ee dalkaasi. Waxaa afgembiga ku lug yeeshay saraakiil sare oo 3 jeneraal ka mid yihiin iyo taliyeyaal ka badan 13 kale.

    Wadani.com

    Inqilaab Ordogan Top Turkey Turkiga
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleImaaraadka Carabta oo ciidamo Kumaandoos ah u tababaray dowladda Somaliya [SAWIRRO]
    Next Article DEGDEG: Dagaal ka dhex qarxay Somaliland & Puntland [Somaliland oo qabtay xildihbaan Puntland ah]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo