Booliska Ingiriiska ayaa shaaciyay sawirrada ninkii geystay weerarkii London ee xarunta Baarlamaanka UK oo lagu dilay 5 qof, 20 kalena lagu dhaawacay.
Khaalid Mascuud oo 52 sano jir ah, isla markaana ahaa aabaha saddex caruur ah oo xaaskiisii hore kala tageen ayaa la sheegay inuusan wax shaqo ah ku lahayn diin ee uu ahaan jiray nin dagaal badan oo madownimadiisa la kulmay colaaadin iyo midab kala sooc.
Mascuud wuxuu dhigtay dugsiga Huntleys Secondary School in ee ku yaala degaanka Kent, waxaana sawirrada la helay ka mida isagoo ku dhex jira ardayda oo dhoola caddeynaya sanadkii 1980.
Wuxuu ahaa ciyaaryahan kubadda cagta iyo nin taga Caweysyada oo khamriga caba, wuxuuna ku lug yeeshay gacan ka hadal dhowr ah, dhowr jeer ayaa xiray dembiyo kala duwan, wuxuuna ku dhex islaamay xabsiga, isagoo guursaday haweebey muslim ah.
Khaalid wuxuu shaqo macallinimo oo luqada ingiriiska ah ka helay dalka Sacuudiga, waxaana saxaafadda UK ay qortay in uu qaatay fekerka xagjirka ah, ilaa markii dambe uu geystay weerarka lagu dilay.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay inuu Khaalid Mascuud ka tirsanaa Askarta khilaafada islaamiga ee taageersan.
SAWIRRO
Wakaalado