Iska hor imaadyo xoog leh ayaa maanta ku dhex maray degmada Shibis iyo xaafado ku dhow ciidamada Booliska iyo kuwa milateriga ee ka yimid Gobolka Sh/Dhexe.
Iska hor imaadkii ugu horeeyay ayaa ka dhcay ciidamada Booliska iyo Gaari Cabdi Bile ah oo uu watay sarkaal la sheegay inuu ahaa taliye horin, waxaana iska hor imaadkaasi uu labada dhinac ku dhex maray agagaarka isgoyska Maanaboolyo iyo Masjidka Shariif Dhageweyne.
Wararka aya sheegay in saddex askari oo labada dhinac ka tirsanaa ay dagaalkaasi ku dhinteen, kadibna waxaa iska hor imaad kale ka dhacay Isgoyska Sanca, halkaasoo ciidamo wata saddex gaari oo gurmad ahaa ay isku fara saareen ciidamada booliska ee ilaalada bara koontarool, waxayna ciidamadaasi rasaas ka bilaabeen agagaarka dhismaha Panorama.
Iska hor imaadka Sanca ka dhacay ayaa la sheegay inay ku dhinteen 2 qof oo shacab ah, dhowr qofna ay ku dhaawacmeen, waxaana bartii koontarool ee Sanca jiiray laba Gaari, halka mid kale uu dib uga laabtay.
Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale la sheegay inay is rasaaseyn dhex maray ciidamo kale oo milalteri, waxaana waxyeelo soo gaartay Gaari Cabdi bile oo uu lahaa xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo wararka qaar sheegayaan inuu dagaalka ku dhex dhacay.
Dagaalka iyo iska hor imaadyada galabta ka dhacay degmada Shibis iyo agagaarkeeda ayaa dhaliyey xiisad iyadoo ciidamo fara badan caawa la dhigay baraha koontarool ee Sanca, Afarta-Jardiin, Siinaay, Xararyaale, Aden Cadde Howlwadaag iyo Sheekh Cali Suufi.
Isku dhaca ciidamada Milateriga Sh/Dhexe ka yimid iyo ciidamada Booliska ee sugaya amniga Muqdisho ayaa dadka qaarkii u fasireen arrimo qabiil, laakiin shilkan ayaa ku bilowday ciidamada milateriga oo diiday amarka ciidamada Booliska siiyeen oo ahaa inaysan fasixi karin.
Waxaa caawa degaanada ay dagaaladu ka dhaceen laga dareemayaa xaalad kacsan iyo ciidamo fara badan oo la dhigay, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska ee Gobolka Banadir.


