Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Warbixin Dheeraad ah oo laga helay Ninkii dadka ku laayay dalka Mareykanka [Akhriso]

    Warbixin Dheeraad ah oo laga helay Ninkii dadka ku laayay dalka Mareykanka [Akhriso]

    October 3, 20174 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wuxuu ahaa weerarkii ugu xumaa taariikhda casriga ah ee Maraykanka, waxaana lagu dilay 59 qof , 500 kalana waa lagu dhaawacay.

    Kadib weerarka ayaa waxaa isoo taraya xogaha ku saabsan ninka dilkan geystay oo ah nin caddaan ah oo lagu magacaabo Stephen Paddock, oo 64 jir ahaa. Paddock waxaa la sheegay in uu ahaa nin ladan oo xisaabiye hore ahaa, islamarkaasna haystay shatiga duuliyenimada, iyo shatiga ugaarsiga, mana lahayn wax diiwaan hore oo dambi ah.

    Balse qof mar daris la ahaan jirey ayaa sheegay in uu qof qamaarka aad u ciyaara, islamarkaasna dhaqamadiisa ahaayeen kuwa aad loola yaabo. Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Las Vegas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay jiraan sababo loo rumeysan karo in Paddock uu ahaa qof xagga maskaxda isaga buuqsanaa.

    Paddock ayaa rasaas oodda kaga qaaday dad badan oo ka qeybgalayay bandhig faneed habeenkii axadda, isaga oo dadka kasoo toogtay qol uu ka deganaa Hotel Mandalay Bay, wuxuuna halkaas ku diley 59 qof, 515 kalana waa uu ku dhaawacay ka hor inta uusan qoriga isaga isku dhufan.

    Illaa 23 qori ayaa laga heley qolkii dabaqa 32-aad ee uu deganaa, waxaa kale oo laga heley kumannaan rasaas ah. Booliiska waxa ay sheegeen in sidoo kale qolka ay ka heleen waxyaabaha qarxa iyo aalado kale.

    Nin lagu magacaabo David Famiglietti oo leh bakhaar hubka lagu iibiyo oo magaciisu yahay New Frontier Armory ayaa BBC-da u sheegay in dukaankiisa uu hubka ka iibsaday Paddoc gu’gii sanadkan, wuxuuna sheegay in Paddock uu waafaqay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka hubka iibsanaya oo ay ka mid tahay in qofka laga eego diiwaanka dambiileyaasha ee FBI-da.

    Balse waxa uu intaas ku daray in qoriga uu isticmaalay laga yaabo in uu farsamo dheeraad ah ku daray , haddii kale aysan suurtogal ahaan lahayn in uu sidaas u shanqaro, qasaaraha intaas la’egna geysto mudada sidaas u gaaban.

    FBI-da waxa ay sheegtay in aysan helin wax raad ah oo muujinaya in Paddock uu xiriir la lahaa koox argagixiso ah oo Maraykanka dibadiisa ku nool.

    Erick Paddock oo ah ninka la dhashay Stephen Paddock ayaa sheegay in aabahood uu ahaan jiray nin bangiyada dhaca, kaas oo ku jirey liiska FBI-da ee dadka loogu doondoonista badanyahay.

    Kaarto ay ciidamada dhajiyeen sanadkii 1969-kii ayaa waxaa ka muuqda sawirka Patrick Benjamin Paddock., waxaana ku qoran in ninkan uu qabo xanuunka maskaxda.

    Patrick ayaa la qabtay sanadkii 1978-dii isaga oo ku sugan gobolka Oregon. Waxa uu dhalay 4 wiil oo uu Stephen u weynyahay.

    Erick Paddock oo wiilasha ugu yar ayaa korey isaga oo u malaynaya in uu aabihiis dhintay, balse sanado ka hor markii uu tagay machad ciidammada cirka ayaa waxaa loo sheegay in aabihiis uu noolyahay, yahayna qof horey uga tirsanaan jiray ciidammada oo geesinimo lagu yaqiinay. Mar aan sii fogeyn ayuu dhintay Patrick Benjamin Paddock sida ay faafiyeen warbaahinta Maraykanka.

    Sida ku qoran warbixin ay uu faafiyay taleefishinka NBC News, Stephen Paddock ayaa dhawaan ciyaaray qamaar lacagtiisa dhantahay kumanaan kun oo doolar, balse ma cadda in uu guuleystay iyo in uu guuldaraystay.

    Ninka kale oo la dhashay oo lagu magacaabo Bruce Paddock ayaa NBC u sheegay in walaalkiis uu ahaa nin taajir ah oo malaayiin doolar ku maalgashada guryaha.

    Nin ah qandaraasle xagga difaaca oo lagu magacaabo Lockheed Martin ayaa sheegay in Paddock uu u shaqayn jirey shirkado xagga arrimaha difaaca ka shaqeeya oo isaga kaga horeeyay hawsha 30 sano ka hor.

    Sanadkii 2016-kii ayuu degay guri labo dabaq ka kooban oo ku yaala Mesquite, Nevada, halkaas oo ay wada degenaayeen lamaanihiisa Marilou Danley oo 62 jir ah sida ku cad diiwaanada dowladda. Booliiska ayaa sheegay in ay ka shaki baxeen haweenaydan oo markii hore ay sheegeen in ay baadi goobayaan.

    Marilou Danley ayay booliiska sheegeen in ay ka shaki baxeen
    Marilou Danley ayay booliiska sheegeen in ay ka shaki baxeen

    Sida ay qoreyso warbaahinta Maraykanka, Paddock ayaa waxa uu heystay shatiga duuliyenimada, isaga oo lahaa labo diyaaradood oo yaryar.

    Nin lagu magacaabo Diane McKay ayaa wargayska Washington Post u sheegay in Paddock uu ahaa dariskiisa, islamarkaasina uu samayn jirey waxyaabo layaab leh, oo ay ka mid tahay in markasta isaga iyo gabadha ay saaxiibada yihiin ay daaqadaha xiran jireen.

    Waxa uu intaas ku daray in uu ahaa nin aanan dadka ku dardarsan jirin, islamarkaasina aanan dhexgali jirin cidna.

    Paddock ayaa dacwad ku furay hoteelka Cosmopolitan ee Lasvegas 2012-kii kadib markii uu ku kufay wax meel la dhigay, balse dacwadaas ayaa lala laabtay 2014-kii.

    Las Vegas Stephen Paddock US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo qaadacday shirka Maamul Goboleedyada ee Axmed Madoobe ku baaqay [Dhageyso]
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo taakuleyn u ballanqaaday Hobolkii hore ee caanka ahaa Sheekh C/llaahi Sulfa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo