Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay weerarkii Alshabaab ku qaaday hotelka Maka Almukarama oo socday muddo dhan 16 saacadood, waxaana hotelka dhexdiisa kula hadlay saxaafadda wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isagoo sheegay ragga soo weeraray Hoteelka inay ahaayeen shan ilaa lix ruux sida uu hadalka u dhigay.
- Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jineva
- Farxiyo Bashiir haweeney u shaqeynaysay World Bank, la taliyena u ahayd Bankiga dhexe ee Soomaaliya
- Saddex ka mida ilaalada hotelka
- Lix ruux oo shacab ah
- Afar askari
Warsaxaafadeedka uu soo saaray Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa lagu sheegay inay qaar ka mida dadkii weerarka ka danbeeyay ay shahiideen qaar kale ay badbaadeen. ” Ragga soo badbaaday ee ka tirsan xarakada waxay ka qeyb qaadan doonaan weeraro kale oo dalka laga fulinayo waxayna diyaar u yihiin inay caddowga xanuujiyaan” ayuu yiri Afhayeenka guud ee Alshabaab.
Gurey Xaaji Xasan oo ah milkiilaha Hotelka Maka Almukarama ayaa isna saxaafadda u sheegay in weerarkaasi uu mas’uul ka yahay gudoomiyaha degmada Hodon oo uu sheegay inuu u diiday inuu dhagxaan ku xiro albaabyada hotelka, wuxuuna u muuqday nin cadaawad gaar ahi kala dhaxeeyo guddoomiyaha degmada uu hotelka ku yaallo, waxaana is weydiin leh sida dhagxaan loogu celin karo weerarada noocan oo kale ah.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]