Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Ganacsiga»Warbixin Halis ku ah Xawaaladaha Soomaalida oo lasoo saaray (Malaayiin Doollar ayey u kala wareejiyeen Dad lagu..)

    Warbixin Halis ku ah Xawaaladaha Soomaalida oo lasoo saaray (Malaayiin Doollar ayey u kala wareejiyeen Dad lagu..)

    September 17, 2020Updated:September 17, 20203 Mins Read Ganacsiga
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baaritaan ay sameysay Wakaalada wararka Reuters ayaa lagu ogaaay in Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ay lacag ka badan $ 3.7 milyan oo u kala xawileen Dadka ku howlan Ganacsiga sharci-darrada ah ee Hubka.

    Warbixinta ayaa lagu magacaabay qof kasoo jeeda dalka Yeman oo Mareykanka saaray cunaqabateyna Argagixisnimada, waxaana baarista sameysay Hay’adda Global Initiative Against Transnational Organised Crime ee degan magaalad Geneva.

    Arrintan ayaa uga sii dareysa xaalada ay ku shaqeyaan Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida oo dhibaato ku qabay sidii ay sharciyo uga heli lahaayeen dalalka dibadda, kun dhibanaa shuruudaha badan ee lagu xiro si ay lacag dibadda ugu diraan.

    Waxaa la baaray muddo lix sano oo ah diiwaanno macaamil ganacsi oo laga sameeyay magaalada Bosaaso, iyadoo lagu waafajinayo diiwaannada taleefoonka gacanta ee laga helo ilaha amniga iyo baaritaanka keydka macluumaadka. Warbixinta waxaa lagu cadeeyay 176 macaamil ganacsi lixdii sano ee la soo dhaafay oo ay sheegtay in ay u muuqato in ay xiriir la leeyihiin Dadka ka ganacsada hubka Soomaaliya iyo Yemen.

    Waxaa la helay laba wareejin lacageed oo ku dhow $ 40,000 lambarro lala xiriirinayo Sayf Abdulrab Salem al-Hayashi ka dib markii Hanti-dhowrka Mareykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay 2017-kii iyadoo lagu eedeeyay inuu hub iyo taageero dhaqaale siiyay Al-Qaacidada Jasiiradda Carabta iyo Dowladda Islaamiga ah ee Yemen, ayaa lagu yiri warbixinta.

    Amal Express iyo Iftin Express oo fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa wax ka qabtay macaamillada, kuwaas oo adeegsaday shaabado kala duwan oo isugu jira magaciisa iyo naanaysta, ayay warbixintu sheegtay. Amal Express waxay sheegtay in warqad wareejin ah oo lagu muujiyay warbixinta oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leedahay al Hayashi ay tahay been abuur. Iftin Express waxay diiday in ay faallo ka bixiso macaamil ganacsi shaqsiyeed.

    Warbixinta ma helin wax tusaale ah oo labada shirkadood ee kale, Dahabshiil iyo Taaj, ay ugu wareejiyeen shaqsiyaad kasta oo cunaqabateyn la saaray. Laakiin waxay xustay dhacdooyin ay shakhsiyaadku awood u yeesheen in ay kula wareegaan iyaga oo adeegsanaya magacyo iyo tirooyin badan, taas oo xadgudub ku ah sharciga Soomaaliya.

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in hal nin uu adeegsaday 24 magac afarta shirkadood. Dhammaan afarta shirkadood waxa ay sheegeen in aysan u oggolaan macaamiisha in ay adeegsadaan aqoonsiyo badan ama lambarro taleefanno. Shirkadda Dahabshiil waxay kaloo sheegtay in ay joojisay xawilaaddii u dhexaysay Soomaaliya iyo Yemen.

    Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo wax laga weydiiyey arrimahan ayaa sheegay in uusan ka warqabin xawilaadaha laakiin ay baarayaan guud ahaanna ay horumar ka sameynayaan ka hortagga maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada. “Hay’adaha nidaamiya maaliyadeed ee Soomaaliya waa shaqaale hoose, oo aan haysan agab dhaqaale, isla markaana aan lagu kalsoonayn hay’adaha maaliyadeed ee gudaha,” ayuu u sheegay C/raxmaan M. Cabdillaahi, guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya

    Wuxuu sheegay in loo xiray jabinta sharciga la dagaalanka lacagta la dhaqay iyo maalgalinta argagixisada, asaga oo tusaale u soo qaatay kiiska ganacsade lagu xukumay bishii Ogosto inuu maamulo bangi aan diiwaangashanayn.

    Afartan shirkadood oo ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa mid walba waxa ay sheegtay in ay ku dadaaleen sidii ay ugu hoggaansami lahaayeen qawaaniinta caalamiga ah ee “ogow macmiilkaaga” in kasta oo Soomaaliya aysan lahayn kaar aqoonsi qaran. Shirkadaha ayaa sidoo kale sheegay in ay hayaan keydka macluumaadka ee shaqsiyaadka caalamiga ah ee cunaqabateynta laga qaaday iyo kuwa la saaray.

    HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA

    https://goobjooge.com/suspected-arms-dealers-moved-millions-in-somali-money-transfers/
    Shirkadaha xawaaladaha Top Warbixin Xawaaladaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Qodob ka mid ahaa Heshiiskii Doorashada oo meesha laga saarayo iyo Wararkii ugu danbeeyay Shirka…
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo looga adkaaday Qodobadii Heshiiska Doorashada & War-Murtiyeedkii Shirka…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo