Halkee ku danbeeyay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha..?
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay 12 -kii Bishan Ogost 2015 gaarsiiyeen Gudoonka Golaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in weli ay cakiran tahay sidii mooshinkaasi hore ugu socon lahaa.
Warbaahinta kala duwan ee Soomaalida ayaa dhowaanahan sheegaysay in Mooshinka loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, balse baaritan ay sameysay Shabakadan Wadani.com ayaa xaqiijiyay in Mooshinka uu weli gacanta ku hayo guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan aanu weli helin qaab sharciyeed uu mooshinkaasi isku dhaafiyo.
Waxaa shalay ku dhamaaday mudadii 5-ta maalmood ahayd ee xeer hoosaadka baarlamaanku u ogolaanayay guddoonka Baarlamaanka inuu gacanta ku hayo mooshinada loo keeno, balse mooshinkan ayaa ka duwan kuwa caadiga ah.
Waxaan sharci ahaan loo baahan yahay laba arrimood oo kala ah:
- In la hubiyo sax ahaanshaha xildhibaanada mooshinka keenay
- iyo In qodobadda lagu eedeeyay madaxweynaha la xaqiijiyo inay sax yihiin.
Qodobka koowaad waxaa soo wajahay shaki markii xildhibaano ka mida kuwii ku saxiixnaa mooshinka ay qoraal dacwad ah u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka oo ay ku doodeen in laga been abuurtay oo aanay waxka kala socon mooshinka.
Qodobka labaad ayaa isna ah kan ugu weyn ee lug-xiray gudoonka Baarlamaanka iyadoo sharcigu yahay in qodobada lagu eedeeyay madaxweynaha ay sharciyeyso Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka oo aan weli la dhisin. In howshaas loo wareejiyo Maxkamadda Sare ayaa laf ahaanteeda ah mid u baahan sharci kale oo loo cuskado.
Arrimahan oo dhan waxay xaalada ka dhigeen mid cakiran oo culeyska oo dhami dul hoganayo guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, oo laga sugayo inuu qiil u helo sidii loo maareyn lahaa mooshinkan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]