Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»WARBIXIN: Kacdoonka Siyaasadeed ee Galmudug & Mustaqbalka C/kariin Guuleed [Yaa ka danbeeya?]

    WARBIXIN: Kacdoonka Siyaasadeed ee Galmudug & Mustaqbalka C/kariin Guuleed [Yaa ka danbeeya?]

    January 14, 2017Updated:January 14, 20172 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Galmudug ayaa cirka isku shareertay kadib markii xildhibaano ka tirsan ay shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen madaxweyne C/kariin Guuleed.

    Xildhibaanadan oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed waxay weli wadaan kacdoonkooda, waxayna ku adkeysanayaan inay dooran doonaan madaxweyne cusub, arrintaas oo aan xilligan suuragal ahayn marka la eego doorashada dalku jiro iyo xaaladda Cadaado oo aan saamaxeynin.

    YAA KA DANBEEYA KACDOONKAN?

    Kacdooonka xildhibaanada Galmudug waa mid dabiici ah oo ka dhashay lacag la’aan muddo dheer socotay iyadoo madaxweyne C/kariin Guuleed uu noqday gacan adeyg wixii soo galan aanay isagu ka badneyn.

    Siyaasiyiin hore ugu kacsanaa C/kariin Guuleed, qaar waayay xilalkii xildhibaan ee Cadaado iyo siyaasiin ka mid dowladda Federaalka ayaa iska kaashaday kicinta xiisadan oo deminteeda ay sii adkaaneyso, waxaana uga sii daray qamaarkii siyaasadeed ee ciyaaray Madaxweynaha Galmudug markii uu isbaheysi doorasho la galay Shariif Xasan, balse uu ka baxay xilli danbe.

    Siyaasiyiinta ka dhex muuqda kicinta xiisadda Galmudug waxaa ugu horeeya ganacsade Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo isagu caddeystay isla markaana taageeray waxa ka socda magaalada Cadaado, waxaase badan siyaasiyiinta qarsoon ee aan is shaacin.

    Siyaasi ahaan C/kariin Guuleed wuxuu ku fashilmay isku heynta iyo hogaanka Galmudug, isagoo awoodi waayay inuu xitaa isku hayo hogaanka Baarlamaanka Galmudug, taasoo muujineysa xitaa haddii uu kacdoonkan ka badbaado inuu yahay shaqsi aan la jaanqaadi karin xaaladda dalka.

    YAA TAAGEERSAN C/KARIIN GUULEED?

    Madaxweynaha Galmudug wuxuu taageero ka helay madaxdii Madasha Qaran marka laga reebo Guddoomiye Jawaari, wuxuu kaloo taageero ka heystaa ciidamada nabadsugidda Cadaado, inta badan ee xubaha labada gole ugu jira Galmudug iyo madaxda maamulkaasi marka laga reebo qeyb yar oo ka mida wasiirada Galmudug.

    Beesha Caalamka  waxay muujisay inay dhexdhexaad ka tahay xaaladda ka taagan Galmduug, ayna u darran tahay in nabadgelyo darro iyo gacan-ka-hadal ay ka dhacdo Galmudug.

    GABAGABO

    Haddii kacdoonkan ku soo aadi lahaa xilli aan ahayn xaaladan oo lagu jiro doorashada Soomaaliya waxaa shaki la’aan daaqada laga tuuri lahaa C/kariin Guuleed isla markaana soo gabagaboobi lahaa hogaankiisa Galmudug, haddii uu badbaadana waxay noqon doontaa in Galmudug ay u baahato hogaan cusub.

    Wadani.com

    C/kariin Guuleed Cadaado Galmudug Xiisadda Galmudug
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan C/rashiid Xiddig oo Jago cusub isu caleemo saaray, kuna dhawaaqay Isbaheysi
    Next Article Baarlamaanka Hirshabelle oo xarun KMG ah ka dhigtay Hotel ku yaala Muqdisho [Xildhibaano Qaadacay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo