Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya arrimaha hiigsiga cusub iyo horgelinta qorshaha ua yaala dowladda Federaalka, waxaana guddiyo arrintan loo xil saaray ay Baarlamaanka hor keenaan qaabka hiigsiga cusub loo hirgelin karo iyo waqtiga u haray dowladda Federaalka in howshaas lagu qaban karo.
Guddi guddoonka Baarlamaanka arrintan u saaray ayaa muddooyinkan waday dood dhexdooda ah waxaana talo soo jeedintoodu noqotay inay waqtiga u harsan dowladda federaalka aan lagu fulin karin laguna gaari karin hiigsiga cusub. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xiligiisu ku eg yahay August 2016 iyadoo ay haatan u harsan tahay wax in yar ka badan sanad qura.
Xildhibaano ka mida Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay inay ka hadlaan waqti kordhin loo sameeyo baarlamaanka si loo gaaro hiigsiga cusub. Xildhibaanadan oo ujeedkoodu yahay in waqti u kordhinta ay doonayaan dadka looga dhaadhiciyo waxay maalmahan warbaahinta kala hadlayeen arrintan. Waxaa Baarlamaanka Federaalka u socda shirar ku saabsan arrimaha hiigsiga cusub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore dhowr goor ugu celceliyay inaysan jiri doonin waqti kororsi, laakiin waxaa sii xaqiiqoobeysa inaysan doorasho ka dhici karin muddada harsan Soomaaliya siiba Koonfurta dalka oo dagaallo ku dhex marayaan ciidamada AMIOM, kuwa dowladda iyo kooxda Alshabaab.
Muddo kororsiga ay doonayaan xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhalin doonta khilaaf siyaasadeed oo dalku galo iyadoo maamulada dalka ka jira qaar ka mida si weyn uga horjeedaan arrintan inkastoo aanay hayn wax lagu bedelo, haddana waa xaalad caado u ahayd dowladihii kumeelgaarka ahaa in mar waliba oo waqtiga xilkooda soo dhowaado ay abuurmaan khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuuri ah.
Warbixinta Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]