Xogta laga helayo Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa Soomaalida ee ku dhex jira baaritaanka qaraxa ayaa sheegaya in ninka qaraxa geystay lagu magacaabo Cabdirisaaq Muuse Buux oo ku noolaa dalka Jarmalka, kaasoo soo kaxeeyay gaariga weyn ee lagu burburiyay hotelka Jazeera.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Awdal (Boorame) degaanada Somaliland, wuxuu ku dhashay dalka Liibiya, kadibna dalka Jarmalka ayuu degay, waxaa kaloo uu tegay magaalada Qaahira ee dalka Masar iyo Boorama, gobolka Awdal oo uu ka soo jeedo. Cabdirisaaq Buux ayaa la sheegay inuu muddo saddex sanadood ah ka mid ahaa ururka Alshabaab.

Dowladda Jarmalka ayaa horeba warbixinta ninkan heysay, iyadoo ka ka shakisan inuu Alshabaab ku xiran yahay. Sida ay Saraakiil sare u xaqiijiyeen Wadani.com C/risaaq Buux waa ahaa ruuxii ka dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee lala beegsaday Hotel Jazeera, ee magaalada Muqdisho.
Abdirizak waa 30 sano jir ay daba joogeen Hay’addaha Ammaanka Jarmalka oo laga war hayay inuu Alshabaab ku biiray. Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa shalay xaqiijiyay in ninkii fuliyay qaraxii ismiidaaminta Hotelka Jazeera uu ahaa Soomaali Jarmal, lakiin faahfaahinta ayaa iska soo daba dhaceysa.
Khubaro Ajaaniib ah ayaa baaritaan ku wada DNA-da jirkii ka haray qofkii is qarxiyay iyadoo muddo badan ay xirneyd goobtii qaraxu ka dhacay .
Wararka ku saabsan ninkan ayaa sheegaya in sanadkii 2009-kii ayaa laga soo celiyay mar uu damacsanaa inuu ka dhoofo dalka Jarmalka, iyadoo looga shakiyay inuu doonayay inuu ku biiro kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya.
Sanadkii 2012 ayuuse ku guuleystay inuu ka tago Jarmalka isagoo markaas tegay dalka Masar, halkaasoo uu uga soo gudbay Soomaaliya, kuna biiray Alshabaab isagoo ka mid noqday liiska is-miidaamiyeyaasha kooxda u qoran.
Is-miidaamiyeyaasha qaraxyada waaweyn ka geysta caasimadda Soomaaliya ayaa u badan dhalinyaro ka timid Mareykanka iyo Yurub. iyadoo qurba joogtana si weyn looga soo dhoweeyo Soomaaliya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]