Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Warbixin ku saabsan Gabar Dhalinyaro ah oo lagu diley Qabri-Dahare [Ciidamada DDSI oo lagu eedeeyay dilka]

    Warbixin ku saabsan Gabar Dhalinyaro ah oo lagu diley Qabri-Dahare [Ciidamada DDSI oo lagu eedeeyay dilka]

    May 12, 20182 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wararka ka imanaya magaalada Qabri-dahare ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in haweenay dhallinyaro ah meykeeda laga heley meel saldhig ciidan ah oo sida la sheegay lagu xiray.

    Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, ayuu adeerkeed Maxamed Xiis Kallane oo ku sugan magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen ciidanka maamulka, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen inay is dishay.

    Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in xalay gabadha meydkeeda la geeyay isbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay.

    Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxay ahayd  20 sano jir, aan weli guursan ayaa u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.

    Lama oga sababta loo xirey markii horeba, iyo waxa sababay dhimashadeeda. Waxaase la sheegay in arrintan ay ka dhacday xero ay ciidamada ku leeyihiin magaalada.

    “Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida” ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.

    Maamulka dowlad deegaanka ayaanan weli wax war ah kasoo saarin dhacdada Taysiir. Baraha bulshada ayaa aad loogu faafinayaa qoraalo iyo haddalo looga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen carol eh.

     

    DDSI Itoobiya Qabri-Dahare Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/weli Muudey oo shaaciyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo sharci darro uga dhoofay Dalka
    Next Article Halheyska ‘Nabad & Nolol” oo Muran ka dhaliyey fadhigii Baarlamaanka & Wasiir lagu qabsaday [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo