Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 30
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Warbixin ku saabsan heshiisyo ay kala saxiixdeen dowladaha Qatar iyo Soomaaliya (Video)

    Warbixin ku saabsan heshiisyo ay kala saxiixdeen dowladaha Qatar iyo Soomaaliya (Video)

    March 18, 2015Updated:March 18, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, waxa ayna labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dheer ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

    004

    Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla afgartay sidii loo xoojin lahaa dadaalada kala duwan ee dawladdu ay ugu jirto dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen in Qatar ay gacan ka gaysato Xasiloonida Siyaasadeed, Kobcinta Ganacsiga Soomaaliya, Adeegyada Bulshada, Maalgashiga iyo taageerada Hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

    001

    Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha labo heshiis oo wax ka tari doona Waxbarashada iyo Duulista Hawada iyadoo ay Soomaaliya heshiisyadaasi u saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali. Dawladda Qatar waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Waxbarshada, Mudane Mohammed Abdul Wahed Al Hammadi iyo Wasiirka Gaadiidka, Mudane Jassim Saif Ahmed Al Sulaiti.

    Heshiisyadani waxaa qayb ka ah in dayuuradda Qatar Airways ay bilawdo duulimaadyo ay ku tagi doonto dalka Soomaaliya iyo in Qatar ay gacan muuqata ka gaysato waxbarashada sare si ay uga faa’iidaystaan ardayda Soomaaliyeed.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu yiri:

    “Waxaan ugu horrayn uga mahad-naqayaa dawladda Qatar ee aan walaalaha nahay soo dhoweynat balaaran ee walaaltinimadu ay ku dheehantahay iyo sida ay markasta diyaarka ugu tahay in ay gacan nagu siiyaan dib-u-dhiska Soomaaliya iyo dadaalada Xukuumaddu ugu jirto Soomaaliya oo xasiloon, dadkeeduna ay ku talaabsadaan horumar buuxa. Waxaan sii xoojin doonnaa Iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

    [ad name=”HTML-2″]

    “Heshiisyada ay Xukuumaddu la gashay dawladda Qatar ee Waxbarashada iyo Duulista Hawada waa kuwo ahmiyad u leh dadkeena iyo dalkeena Soomaaliya xilli aan kasoo kabanayno burburkii nagu dhacay. Waxaan sii kordhin doonnaa heshiisyada noocaan oo kale ah oo wax weyn ka taraya dib-u-dhiska Soomaaliya iyo in aan dawladda Qatar ku dhiiri-galinno in ay maal-galiso Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.”

    Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiirka Caafimaadka, Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Mudane Cumar Idriis, Danjiraha Soomaaliya ee Qatar.

    —DHAMAAD—

    Afhayeenka Xukuumadda

    [ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=YCKjkz15GjE”]

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    [ad name=”HTML-4″]

    Safarka Ra'iisal wasaaraha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQatar oo laba heshiis oo muhiim ah ka saxiixatay dowladda Soomaaliya (Akhri nooca heshiisyadaasi)
    Next Article UN Envoy to Somalia encouraged by firm commitment to Somalia’s Vision 2016 timetable

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo