Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Warbixin ku saabsan Labada wadaad ee isku diray Turkiga iyo Mareykanka? [Fatxulah Gulen & Andrew Brunson]

    Warbixin ku saabsan Labada wadaad ee isku diray Turkiga iyo Mareykanka? [Fatxulah Gulen & Andrew Brunson]

    August 20, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa sii xoogeysanaya is-maandhaafka u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Maraykanka, waxayna arrimaha salka ku hayaan labo wadaad oo midna masiixi yahay, midna muslim suufi ah yahay oo dal waliba uu doonayo in midka kale loo gacan geliyo.

    Sheekh Fatxulaah Gulen waa wadaad Suufi caan ah oo leh taageero xoog badan
    Sheekh Fatxulaah Gulen waa wadaad caan ah oo leh taageero xoog badan

    Fatxullaah Gulen

    Madaxweyne Erdogan iyo dowladda Turkigaba waxa ay Maraykanka ka dalabayaan inay kusoo wareejiyaan wadaad lagu magacaabo Fatxullaah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania. Waxa wadaadkan lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay.

    Erdogan oo maqaal ku qorey wargeyska New York Time ayaa yiri “Maraykanka waxa ay ku guuldareysteen in ay fahmaan waxa ay qabaan dadka reer Turkiga, illaa inta Maraykanka ka fahmayaan muhiimadda ay leedahay in ay xushmeeyaan qaranimadeena, ilaa inta taas dhacayso iskaashigeena mugdi ayuu ku jiraa”.

    Waxa kale oo uu Erdogan Maraykanka ku eedeeyaa in aysan cambaareynin isku daygii afgembiga Turkiga ee sanadkii 2016-kii. Maraykanka waa uu diiday in uu wareejiyo Gulen.

    Waxaa cad inuusan marnaba Mareykanku ogolaan karin inuu Turkiga u gacan geliyo Wadaadka Gulem ee ay doonayaan, taasoo sharci adag ka yaallo dalkaasi, taasina waxay ahayd sababta kicisay dareenka Erdogan iyo dowladiisa iyo xiriirka heerkii ugu xumaa maraya ee labada dal, halka Turkigu u arko in dalka Mareykanka laga soo abaabulay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi.

    Andrew Brunson
    Andrew Brunson waa baadari muddo ku sugnaa dalka Turkiga oo loo heysto taagearada PKK iyo kooxda Gulen

    Andrew Brunson

    Ninkan waa baadari ka tirsan diinta masixiiga, waxa uu hoggaaminayay kaniisad ku taala magaalada Irsim ee dalka Turkiga. Labo sano iyo dheeraad ayuu ku xirnaa Turkiga, waxaana lagu eedeeyay in uu taageere siiyay kooxo Turkiga uu u aqoonsanyahay argagixiso sida PKK oo ah kooxda Kurdiyiinta Turkiga.

    Arrinka micnaha samaynaya ayaa ah in mad-habta uu ka tirsanyahay baadariga ee ah Prostestan-ka ay yihiin dadkii aadka u taageeray madaxweyne Donald Trump, waxayna hadda xerta kaniisadan Trump ku cadaadinayaan in uu soo daayo Mr Brunson.

    Trump oo fariin kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Bruson “afduub loogu heysto Turkiga, tahayna in la siidaayo”.

    Hadda waxa uu ku jiraa xabsi guri, dowladda Turkigana waxa ay diidday dalab kasta oo ah in ay ku siidayso, waxayna qabtaa in nidaamkeeda garsoorka uu go’aan ka gaaro sida laga yeelayo ninkan.

    Dowladda Maraykanka oo taas ka carootay ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Turkiga, waxana canshuuro dheeraad ah la saaray birta iyo naxaasta Turkiga ee loo dhoofiyo Maraykanka.

    Labadan nin oo kaliya ma ahan waxa ay isku hayaan labadan dal, waxaase jira arrimo kale oo dhawr ah. Waxaa ka mid ah taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiyiinta ee ka dagaalama Suuriya.

    Inkasta oo ay ka wada tirsanyihiin gaashaanbuurta NATO, haddane sanooyinkii dhawaa si wanaagsan uma aysan wada jaanqaadin.

    Isu dhawaanshaha Turkiga iyo Iran ayaa kasii caraysiiyay Maraykanka, waxaana jirta in wasaaradda maaliyadda Maraykanka ay u yeertay bangi weyn oo laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Halkbank, kaas oo loo heysto eedeymo la xiriira in uu macaamil ganacsi la sameeyay Iran si khilaafsan cunaqabataynta dhaqaale ee dalkaas lagu soo rogey.

    Andrew Brunson Fathulah Gulem Turkey US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDood ka dhalatay maalinta Ciidul Adxaa oo ka taagan Kenya & Qaadi Caan ah oo ka horyimid
    Next Article Guddiga Doorashada oo ku dhawaaqay xilliga la qabanayo Araajida Musharixiinta kuraasta Baarlamaanka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo