Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qaraxii lala beegsaday gaari uu la socday agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Yuusuf Bahlaawi.
Qaraxa oo xalay ka dhacay xaafadda Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaa waxyeelo kasoo gaartay agaasimaha, iyadoo la sheegay inuu ahaa Bam la dhigay wadadda dhinaceeda.
Waxaa kaloo qaraxa ku dhaawacmay darawalkii waday gaariga, iyadoo agaasimaha hore dhaawaciisa la sheegay inuu yahay mid fudud oo ka gaaray garabka.
Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa si joogto ah uga dhaca xaafadda Taleex ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, halkaasoo marar badan lagu beegsaday mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka.
Maanta ayay ahayd markii Hoobiyeyaal lagu weeraray madaxtooyada uu askari ku dhintay, 3 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.