Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Warbixin ku saabsan Shirka ‘Somali Partnership Forum’ ee ka furmaya magaalada Brussels [Arrimaha looga hadlayo]

    Warbixin ku saabsan Shirka ‘Somali Partnership Forum’ ee ka furmaya magaalada Brussels [Arrimaha looga hadlayo]

    July 14, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Magaalada Brussels ee dalka Biljimka waxaa Isniinta 16-ka Bishan ka furmaya Madasha Shirka Arrimaha Soomaaliya ee Somali Partnership Forum.

    Shirkan oo daba socda Shirarkii lagu qabtay Magaalooyinka London iyo Muqdisho bilihii December 2017 iyo May 2018, waxaa lagu casuumay Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Ganacsatada, kuwaasoo kaalin ku yeelanaya shirka oo muhimad gaar ah leh sanadkan.

    Waxaaa kaloo ka qeyb galaya:  Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jamaacada Carabta iyo wakiilo ka socda dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaraya Magaalada Brussels, waxaana sidoo kale halkaasi ku sii jeeda madaxda dowlad goboleedyada dalka oo dhammaantood ka qeyb galaya shirka.

    Shirka Brussels arrimaha  diirada lagu saarayo waxaa Kamid ah; Amniga Qaranka,  iyo bixitaanka ciidamada AMISOM. Waxaa sidoo kale looga hadli doonaa; Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka Amisom iyo Dib udhiska Ciidamada. Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga.

    Marka laga halayo arimaha Siyaasada, Dowladda waxey Madasha horgeyn doontaa; Siyaasadda loo dhanyahay, Kheyraadka Wadaagiisa, Nidaamka Doorashada, Dib uhabeynta dastuurka, Xeerka Doorashooyinka iyo Nidaamka Doorashooyinka oo la isla qaatay si dalka Hal qof iyo Hal cod doorasho ah uga dhacdo.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faahfaahiyo waxyaabaha dowaldiisa qabatay 420-ka Maalmood ee uu Xafiiska fadhiyay.

    Shirka waxaa barbar socon doona shirar doceedyo 3 qeybood ka kooban oo kala ah:

    1- Shir ay isugu Imanayaan Ganacsatada waaweyn ee Somalida iyo Maalgadayaasha shisheeye oo looga hadlayo ka Faa’ideysiga Kheyraadka dalkan iyo fursadaha maalgashi.

    2- Shir  ku saabsan barakacayaasha iyo Qaxootiga oo looga doodayo Labada Milyan iyo Bar kaQof oo ku barakacsan gudaha dalkan iyo Hal Milyan oo Qaxooti ah.

    3- Shirka doceedka kale ayaa ah mid la xiriira Haweenka iyo qeybta ay ku leeyihiin Horumarka, Amniga iyo dib udhiska dalkan.

    Shirkan ayaa imaanaya iyadoo uu Khilaaf udhexeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada qaarkood, siiba Jubaland oo dib u celisay taliyaha cusub qeybta 43-aad ee dowladu dhowaan magacawday.

    Brussels Shirka Brussels Somali Partnership Forum Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePair of Deadly Car Bombs Rip Mogadishu
    Next Article Xildhibaan ka tirsanaa Galmudug oo loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Waaberi & Xil ka Qaadis cusub…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo