Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaasi toogasho lagu dilay xeer ilaaliyihii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland.
Dilka xeer ilaaliyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdikariim Xassan Firdhiye ayaa ka dhacay maxkamadda horteeda oo ku taalla bartamaha magaalada, una dhow saldhigga Booliska Bari.
Koox ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay xeer ilaaliyaha, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ya sheegayaan in la qabtay laba nin oo falka dilka ah geysatay.
Xeer ilaaliye C/kariin Firdhiye ayaa noqonaya mas’uulkii sadexaad ee in ka yar laba todobaad oogu dilo bartamaha Magaalada Bosaaso.
Ciidamada ammaanka ayaa la geeyay goobta dilku ka dhacay, waxaana wararka magaalada laga helayo ay sheegayaan inay kacsan tahay xaaladda magaalada.
Wadani.com