Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Warbixin ku saabsan Taliyaha cusub ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya..? [Akhriso Taariikhdiisa]

    Warbixin ku saabsan Taliyaha cusub ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya..? [Akhriso Taariikhdiisa]

    October 12, 2017Updated:October 12, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta taliye cusub loo magacaabay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kadib markii uu is casilay taliyihii hore Jen. Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid).

    Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga ayaa loo magacaabay  Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod), waxaana magacaabidiisa ansixiyay Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shirkoodii maanta uu hor keenay wasiiru dowlaha Gaashaandhigga.

    Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod)
    Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod)

    Taliyaha cusub ee xoogga wuxuu ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ee Galmudug markii maamulkaasi la dhisay,waxaana dadka xilkan ugu hambalyeeyay ugu horeeyay madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

    Taliyaha cusub oo ay isku beel yihiin taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa ka mid ahaa ciidamada Cirka Soomaaliyeed, isagoo ka gaaray heer Duuliye diyaaradeed ah, Dhinaca kale wuxuu Wasiir ka soo noqday dowladii KMG ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad, isagoo markaa ahaa Wasiirka Dekedaha xukuumadii Carte.

    TAARIIKHDIISA

    Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii. Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho.

    General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii. Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti. 1977-dii waxauu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

    Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xiddigle ah. Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle. 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Kismaayo halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

    1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa. Waxuuna berigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo Talyaaniga lagu farsameeyo.

    1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo. Sadax bilood ka dibna waxaa loo badalay Muqdisho oo waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Waxuu noqday gaashaanle sare. Isagoo gaashaanle sare ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

    Jeneral Gorod dowladii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha. Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.  Jeneraalka waxuu dhalay sided caruur. Waxuuna degan yahay magaaladda London.

    C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ciidamada xoogga Taliyaha cusub ee xoogga Taliye
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO: Go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya
    Next Article SAWIRRO: Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka Haweenka oo Muqdisho ka furmay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo