Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Warbixin laga qoray Xaalad Amni oo Xildhibaanada cusub Maanta ku qabsatay Afisyoone (Qormo)

    Warbixin laga qoray Xaalad Amni oo Xildhibaanada cusub Maanta ku qabsatay Afisyoone (Qormo)

    April 14, 2022Updated:April 14, 20223 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Goor ay barqannimadi maanta ahayd, annaga oo u soconna ka qaybgalka munaasabadda dhaarinta baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaan soo gaarnay albaabka bari oo laga galo xayndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ‘Marina Gate’.

    Waxaan saaranahay gaari bas ah oo ay xildhibaanno saaran yihiin, kaas oo naga soo qaaday Akadeemiyadda Tababbarka Ciidanka Boliiska ee Janaraal Kaahiye, halkaas oo noogala soo reebay gawaaridi aan wadannay.

    Sarkaal boliis ah oo kamid ah ciidamo Soomaali iyo ATMIS/AMISOM isugu jira oo galista masuul ka ahaa ayaa amray in aan baska ka soo deganno oo aan baaritaan marno. Darawalka baska waday iyo askar boliis ah oo baska la socday ayaa u sheegay in dadka baska saaran ay xildhibaanno yihiin oo marti sharafta kale baaritaanka la marsiiyo.

    Wuxuu ugu jawaabay in xildhibaannada iyo marti sharafta kalaba ay qasab tahay in ay si isku mid ah baaritaanka u wada maraan!Xildhibaannada oo baaritaanka u sii dagaya ayuu Janaraal Cabdullaahi Xasan Bariise arkay, wuxuuna amray in baska la fasaxo oo aan xildhibaanno la baari karin.

    Waxaa durba meel aan fogayn ka soo cararay askari ajnabi ah oo mar kale sheegay in ay qasab tahay in xildhibaanno iyo marti sharaf kalaba ay qasab tahay in ay baaritaanka wada maraan.Janaraalka oo aad caraysan, wajigiisana ay ciil iyo qiiro ka muuqdaan ayaa ku qayliyay “NO, NO, NO …. I said NO!”, darawalka baska waday oo boliis ahaana wuxuu amray in uu dhaqaajiyo.

    Askarigi ajnabiga ahaa oo arrinta weli diiddan ayaa askari kale oo ajnabi ah amray in uusan qaadin bir baska ku hor go’nayd! Dood dheer kadib waxaa lagu heshiiyay in xildhibaannada oo aan baska ka degin eey lagu baaro.

    Waxaa ugu sii darnayd marki aan teendhada afisyooni gaarnay oo askar Soomaali ah oo gelidda maamulaysay ay nagu amreen in aan xildhibaanno iyo marti sharaf u kala baxno. Aniga oo habdhaqanki askariga ajnabiga ahaa dib u gocanaaya, ayaan u qaatay in sababta la isku kala bixinaayo ay tahay in askarta Soomaalida ah ay rabaan in ay xidhibaannada maamuus gaar ah siiyaan.

    Ha yeeshee, ujeeddadooda waxay noqotay in ay rabeen in ay xildhibaannada xaadiriyaan, kadibna si isku mid ah ayay gacanta noogu wada baareen, iyaga oo noo sii gudbiyay qayb kale oo mashiinnada wax lagu baaro ay yaalleen!Inkasta oo muuqaalka meesha yaalla uusan qurxanayn, wuxuu haddana na tusayaa heerka ay gaarsiisan tahay khatarta iyo kala aaminbaxa dalka ka jira.

    Waxaan bogaadinayaa xildhibaannada oo qayb maamuuskooda kamid ah uga tanaasulay si ay dhaarta uga qaybgalaan. Waxay u muuqdeen in ay ka go’an tahay in ay daruufta adag ee dadka iyo dalka haysata ka samatabixiyaan.

    Towfiiqda Alle ha waafajiyo.

    May be an image of one or more people and suit

    W/Q: Mustafe Maxamed Cali

    Afisyoone Dhaarinta xildhibaanada Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBeesha Caalamka oo dalbatay in degdeg loo Doorto Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne
    Next Article Guddiga SEIT Jubbaland oo mar kaliya shaaciyey 16 kursi oo lagu dooranayo Ceelwaaq

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo