Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xubnaha Golaha Wasiirada cusub ku soo rogay qoddobo cusub
oo laga doonayo inay saxiixaan inta ayaan xilka la wareegin.
Laba qodob oo laga saxiixayo golaha Wasiirada xubnaha ka tirsan ayaa kala ah:
1 – Balnqaaday qoraal anshax inay ku shaqeeyaan si cadaalad ah
2 – Warqad ay ku caddahay hantidooda gaarka ah (Dokumentiyada)
Qodobka hore ayaa quseeya in xubinta ka mida golaha wasiiradda ay ku shaqeyso si daacad ah, una hogaansanto haddii ay fulin weyso xilka loo dhiibay in shaqada laga saaro, halka qodobka labaad ujeedkiisu yahay in lagu xakameeyo musuqmaasuqa.
Qodobka tirakoobka hantida ay leeyihiin wasiirada ayaa ka shaqeeeya dalal dhowr ah si loola xisaabtamo markii xilka loo dhiibay hantidiisa iyo markii uu xilka ka tegayay wixii ku soo kordhay. Waxaa shaki ku jiraa sida loo fulinayo qodobkan iyadoo la ogyahay in madaxda sare ee dalka hantida y lunsadaan ay dad kale ku qoraan ama u dhiibtaan, wuxuuna noqon doona qodob magac ahaan u yaalla inta laga xoojinayo hay’ado fara badan.
DHAGEYSO