Wasiirka caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan oo saaka booqasho ku yimid Muqdisho ayaa keenay dhaqaatiir iyo daawo,isagoo hore u sii raacay 35 dhaawac ah oo loo qaaday Turkiga.
Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho la kulmay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna tegay Isbitaalka Ordogan ee Muqdisho, wuxuu qeyb ka ahaa wafdi sare ee madaxweynaha Turkiga u soo diray Soomaaliya.