Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Shirkii Madasha oo dhammaaday [C/kariin Guuleed go’doon siyaasadeed geliyay C/weli Gaas]

    Shirkii Madasha oo dhammaaday [C/kariin Guuleed go’doon siyaasadeed geliyay C/weli Gaas]

    September 11, 2016Updated:September 11, 20162 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Madasha Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa u muuqda in la isku mari waayay muddo 5 maalmood oo uu socday.

    Shirka ayaa waxaa la xaqiijiyay in hogaamiyeyaasha maamulada iyo kuwa dowladda Federaalka ay isku mari waayeen arrinta Aqalka Sare, waxayna dhibaatadu ka dhalatay markii la isku dayay in Puntland lagu qanciyo inay soo celiso labadii xubniood loogu kordhiyay shirkii  hore ee laga soo jaray Somaliland.

    Madasha-Ogost2

    Arrintan oo uu hormuud ka ahaa madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa keentay inuu taageero uga helo madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan, Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed  Sheekh Cusmaan Jawaari iyo madaxweyne Xasan Sheekh taasoo keentay in C/weli Gaas si weyn uga caroodo.

    C/kariin Guuleed ayaa mar kale go’doon siyaasadeed geliyay madaxweynaha Puntland oo hadda u muuqda nin keligiis taagan, waxayna tani salka ku heysaa iyadoo uu shirkii hore ee Madasha uu ka maqnaa Guuleed arrimo caafimaad  awgeed, laakiin wuxuu ka hor yimid xubnaha loogu daray Puntland [Akhri Warkaas]

    Taas bedelkeed waxaa Shariif Xasan talo ku soo jeediyay in la laalo Aqalka sare ee Baarlamaanka, mar haddii waqti dheer uu qaatay weliba lagu heshiin waayay, waxayna arirntii isu bedeshay is mari waa’ kale, laakiin waxaa Puntland lagu cadaadiyay inay ka tanaasusho xubnaha dheeraadka ah ee ka careysiiyay xubnaha Somaliland ugu jira dowladda Federaalka.

    C/weli Gaas ayaa ugu danbeyn ka baxay shirkii xalay, isagoo aan ka soo xaadirin wuxuuna us oo diray farriin ah inaanu sii wadi karin ka qeybgalka shirka Madasha ee aan natiijada lahayn, taasoo keentay inuu bannaanka ka istaago shirka.

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu dhexdhexaad ahaa, isla markaana ugu deganaa madaxda maamulada dalka ee shirka Madasha ka qeyb gashay ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho isagoo ku laabtay Kismaayo, waxaana uu sheegay inuu ciidul fitriga ku qaadan doono Kismaayo, kadibna uu ku soo laaban doono Muqdisho.

    Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna lagu wadaa inuu maanta ka dhoofo Muqdisho, isagoo dib ugu laabanayo Puntland, waxaana shirkii Madasha u muuqdaa in lagu kala tegay iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.

    Waxaa la filayaa in dadaal kale loo galo shirka Madasha inuu Muqdisho ka bilowdo bartamaha bishan marka uu dhamaaado shirka IGAD, inkastoo xaalad adag oo cakiran uu dalku sii galayo isla markaana waqtigii doorasha 2016 uu ciriiri sii galay.

    Wadani.com

    C/kariin Guuleed C/weli Gaas Gaas Madasha Muqdisho Shirka Madasha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleOdayaasha Sh/Dhexe oo ka hor yimid Madaxweynaha ay IGAD wadato ee shirka Jowhar
    Next Article MAALINTA CARAFA: Daawo Malaayiin xujey ah oo maanta taagan Bannaanka Carafa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo