Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»WARBIXIN: Aasaasihii Black Water iyo Soomaaliya!

    WARBIXIN: Aasaasihii Black Water iyo Soomaaliya!

    June 29, 20174 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Erik Prince, Aas aasihii Black water  wuxuu aamin san yahay in adduunka laga tiriro Muslimiinta iyo Caqiidada Islaamka , waa ninkii sameeyay shirkaddii Xasuuqa ka gaysatay Ciraaq iyo Afqaanistaan , haatanna ka dagaalanta Soomaaliya laakiin magac kale wadata, waxaa haattan uga fuliyay Soomaaliya dilalka Qorshaysan dhalin yaro Soomaali ah oo si heer sare ah loo taba baray,   Xulufada uu khaliijka  horboodayo hoostana ay ka maamulayaan CIA da ciidanka u dagaallama duqaynta iyo dilka ka wada Yaman 70% waa Calooshood u shaqaystayaal  uu ka soo daabulay ‘’Mulkiilaha ‘’ Kolombiya Erik Prince , Koonfur Afrika iyo Kolombiya.

    Wuxuu Erik aamin san yahay inay muhiim tahay in adduunka laga cirib tiri Islaamka , markii hore wuxuu shirkaddiisa Black water u bixiyay Holy Black water  , Dagaalka Erik kuma salaysna oo kaliya xoolo adduun inuu aruursado laakiin waxaa u waheliya oo waliba si xeel dheer uu u aaminay inuu u dagaalamayo Eebbe !

    Waxaa gudaha Soomaalia u jooga 2000 oo Calooshood u shaqayste  Soomaali , Erik oo kaashanaya Khasnadda Amiirka Abu Dabi , Maxamed Al-Nahyaan , waxaa ciidankaan loo taba baray si heer sare ah waxaana quudiya Imaaraadka , Ninkaan oo ah sarkaal CIA ka ‘’tirsanaa’’ sheegayna inuu ka tagay hasa ahaatee wariyayaasha wax baara waxay aamin san yihiin inuu Erik yahay gacanta CIA da ee ay ku fushato dilalka iyo qaska la doonayo in laga fogeeyo magaca Dawladda Maraykanka .

    Fariimo laga Jabsaday Shirkadda (Saracen International) oo aan qaar ka mid ah helay waxaa isoo jiitay farriin la diray dabayaaqaddii Bishii Diseember 2011  waxaa lagu sheegay ‘’ Dr kii sharka abuurka ahaa dhulkay ku dareen, ardayga abaal marin dheeraad ah ayuu mudan yahay’’ . Lama sheegin magacaga Dr ka la dilay markaan laakiin Farriinta oo laga soo diray Dalka Imaaraadka iyo xiligaas Dr ka kaliya ee la dilay waa Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Oo 5 tii Diseember 2011 Magaalada Bosaso Lagu Diley, Baaritaanadii ay  sameeyeen gole madax banaan oo Soomaali ah waxay sheegeen inay dileen Al-Shabaab , hassa ahaatee waxaa suura gal ah in ‘’Ardayga’’ la abaal marinayo uu yahay qof sokeeye ama shisheeye ah oo Shabaabka xiligaas taladooda wax ku lahaa.

    Imaaraadka iyo Sucuudiga waxay ka caraysan yihiin Dawladda  Qadar ay qaadatay maamulka iyo maaraynka Shidaalka mustabalka la doonayo in laga soo faago dhulka Soomaaliya , Amiirka Qadar wuxuu ku baxshay Doorashadii Xassan Shiikh 20 Milyan oo Doollar , sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jitro lacag fara badan oo lagu bixiyay sidii loo magacaabi lahaa Xassan Khayrre , kana mid ah Saami leeyda Shirkadda musuqa lagu haysto,  Som Oil and Gas , Khayrre waxaa la aamin san yahay inuu yahay ninkii ku qanciyay Xassan Shiikh  inay Soomaaliya qaadato 10% dakhliga kasoo xarooda Shidaalka halka ay shirkadda uu saamiga ku leeyahay Khayrre ay qaadan doonto 90% .

    Dawladda Imaaraadka ayaa waxay xoog uga cabsi qabtaa Ururka Akhaanul Muslimiinka iyo Qowmiyiinta Carbeed inay xoog ku yeeshaan Dalalka Carabta , waxay taageero xoog leh siisaa Janaraal Xaftarka Liibiya , Calooshood u shaqaystayaal shisheeye ( Kolombiya , Koonfur Afrika ) u badan ayaa duqayn joogtaa ka wada Yemen iyo Liibiya , waxayna kasoo duulaan xerada Ciidan ee Erik iyo Al Nahyaan oo ku taalla Saxaraha Imaaraadka .

    Bishii May Sanadkaan  Erik wuxuu sheegay hadal uu ka jeediyay Jaamacadda Oxford , ee Ingiriiska  inuu ku faanayo ‘’Calooshood ushaqaystayaashiisa’’ jooga  Puntland Soomaaliya iyo Muqdisho  , Ciidanka loo bixiyay (Puntland Maritime Police Force)waa ciidan ka kaliya ee haysta Diyaarado iyo hub casri ah  waxaa looga gol leeyahay inay ilaaliyaan danaha Imaaraadka ee Geeska Afrika oo ah danaha reer galbadeedka salkana ku siihaya hungiraga shirkadaha waawayn ee reer galbeedku lee yihiin.

    Shirkadda Shell oo ay Qadar Saamiga ugu badan haattan leedahay waxay ku guulaysatay inay soo dhisto Golaha Wasiiradda Soomaaliya waxayna xoogga saareen sidaan ka dheegtay war bixin aan ka helay ilo xog ogaal ah , Shell iyo Qadar waxay xoogga saareen Maamulka sare hassa ahaattee Erik Prince oo ah Gacanta CIA da Soomaaliya haattan asagoo kaashanaya  Agaasimihii Xaruntii CIA da ee Muqdisho Michael Shanklin in ay ku yeeshaan Golaha Wasiiradda iyo Xafiiska Madaxwaynaha indho Soomaaliyeed ( Somali Dogs )  oo usoo tabiya waxa kasocda xarumaha Dawladda .

    Wasaaradda Amuuraha Dibadda ee Ingriiska ayaa kiraysatay Shirkad Amaan oo si gaar ah loo lee yahay si ay u Layliso Xoogag lagula Dagaalamo ‘’Argagaxisada’’ waa Ciidamo Soomaali ah oo aan ka amar qaadan Dawladda Soomaaliya , waa qodax hor leh loona dhigayo hour socod hadduuba ka jiro Soomaaliya .

    NISSA waxaa askun keeda lahaa CIA waxayna ka maamushaa daaha gadaashiisa , Taliyaashii ka horeeyay ninka haattan ‘’Maamula ‘’ NISSA oo aan la xariiray kumaysan faraxsanayn in Hay’adda maamulkeeda la Soomaaliyeeyo lagana nadiifiyo danaha qalooca ee ay shisheeyaha dalka iyo dadka curyaaminaya u qabtaan .

    F. Xiirane ( NSS 1976-1991)
    [email protected]

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha Deyniile oo xiisad ka abuuray Degaanka Garasbaaley & shaqaaqo ka dhacday
    Next Article DEGDEG: Maleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow & Alshabaab oo Dagaal qarka u saaran

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo