Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Puntland iyo Alshabaab ee ka socda degaanka Suuj ayaa sheegaya inuu dagaalku weli xowli uga socdo degaankaasi iyagoo dagaalamayaasha Alshabaab ay dhufeyso ka dhigeen Dooxada Suuj iyo degaano godad ah oo waaweyn halka ciidamada Puntland ay saddex dhinac ka fadhiyaan.
Ciidamada Puntland ayaa madaafiic hoobiyeyaal u badan ku garaacaya halka ay ku sugan yihiin dableyda Alshabaab, mana jirin dagaal toos ah oo labada dhinac dhex maray marka laga reebo rasaas qoryaha boobayaasha ah oo ay isku rideen.
Xaalada ayaan weli deganeyn laakiin Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa BBC-da u sheegay inay dileen 20 dagaalyahan oo kooxda Shabaab ka tirsan, isla markaana ay Ciidamada Puntland laga dhaawacay laba askari, taasoo aanay cidna xaqiijin.
Dadka degaanka Suuj ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhamaantood galeen Godka Suuj oo ah oo difaac adagna ay dhigteen afaafka iyadoo godkaasi uu yahay mid baaxad weyn, taasoo xaalada ku sii adkeysay ciidamada Puntland oo howlgalkoodu u badan yahay madaafiic ay ku garaan togga Suuj.
Dhinaca kale Ciidamada Puntland iyo kooxo kale oo Al-shabaab ah ayaa isku horfadhiya duleedka degmada Godabjiraan ee Gobalka Nugaal, waxaana wararku sheegayan in Alshabaab-ka ku Aagga Godabjiraan ay yihiink uwa ugu tirada badan ee ka soo degay Xeebaha Puntland, ciidamada Puntland ee gaaray degaankaasi ayaa weli dagaal bilaabin..
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in dagaalameyaal Shabaab ah ay ka degeen Xeebta degmada Bandar Beyla Ee Gobolka Bari, kuwaasoo aan weli la gaarin, halka maleeshiyadii Alshabaab ee ku sugneyd aagga Garacad iyaguna halkoodii dhufeyso ka sameysteen.
Wadani.com