Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Maxamed Salaad ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyo dhibaatada ka taagan shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee hakadka ku jira magaalada Jowhar tan iyo intii la furay 15-kii Bishan Janaayo.
Wasiirkan oo gacansaar hoose la leh madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay inuu awoodiisa uga faa’iideystay shirka, tallaabooyin dhowr ah oo uu qaadayna ay keeneen in beelo badan ay ka caroodaan oo shirka isaga baxaan. Waxaa kaloo wasiir Mahad isagoo gacan ka heysta Wasiirka Arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa dhaqdhaqaaqiisa ka carooday wasiirada kale ee saxiixayaasha la ah sida wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo beeshiisu ku cadaadineyso inuu la-tashi u yimaado magaalada Beledweyne.
Wasiir Mahad oo Jowhar fadhi ka dhigtay dhaqaale badanna halkaasi wasaaradda arrimaha gudaha ku siiso arrimaha uu ku dhaqaaqay ee shirka cakiray, kana careysiiyay beelaha labada gobol waxaa kamida:
- Inuu madaxa ka qabsaday Wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddigeeda fududeynta Shirka
- Inuu qeyb ku lahaa qeybinta odayaasha soo xulaya ergada shirka ee beelo badan ka careysiiyay
- Inuu Beeshiisa qeyb libaax ka siiyay odayaasha, isla markaana beelo aan deganeyn labada gobol oo ka baxsan jufadiisa uu xubno odayaal ah ku qortay.
- Inuu abaabulayu shirar jaraa’id oo Jowhar ka dhacay oo ka careysiiyay beelaha kale
- Iyo inuu si gaara beeshiisa kharash badan uga meeleeyay wasaaradda arrimaha gudaha.
Arrimahan oo dhan waxay qeyb ka qaateen in shirka Jowhar uu cakirmo, isla markaana beelo badan ay ka baxaan shirka, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh ay dacwad ka dhan ah wasiirkiisa gacanta midig ah, waxaana Jowhar hadda ku sugan Wasiir Mahad iyo jufadiisa kadib markii beelihii kale isaga tageen, waxaase socda dadaal waqti qaadan doona dib isugu keenista beelaha uu kala diray wasiir Mahad Maxamed Salaad.
Wadani.com