Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Warbixin: Weerarkii Alshabaab ku gashay Hotel Afrik (Howlgal 8 Saac qaatay iyo Qasaaraha ka dhashay)

    Warbixin: Weerarkii Alshabaab ku gashay Hotel Afrik (Howlgal 8 Saac qaatay iyo Qasaaraha ka dhashay)

    February 1, 2021Updated:February 1, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada ammaanka ee dawladda Somalia ayaa xalay saqdii dhexe kadib soo afjaray weerar qarax is-miidaamin ah ku bilowday oo Alshabab 5:00 Galabnimo ee 31 Janaayo 2021 ku qaadeen Hotelka Afrik ee u dhow Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.

    Weerarka ayaa waxaa qaaday Gaari ay la socdeen 4 rag hubeysan, waxaana ka degay saddex maleeshiyo oo si weyn u hubeysan, watayna Boorsooyin ka buuxaan Bambooyin, rasaas iyo hub kale, waxayna gaariga uga degeen Garaash u dhow Hotelka Afrik, iyadoo markaas kadib Gaariga uu ruux is-miidaamiye ahaa ku dhuftay iridka Hotelka, kadibna waxaa Hotelka gudaha u galay saddex ka mida Maleeshiyadii Alshabaab.

    Dagaal dhex maray ciidamada Amniga iyo Maleeshiyada Alshabaab ee hotelka ka dhex dagaalamayey ayaa qaatay muddo 8 saacadood ah, waxaana ku dhintay ilaa 10 qof oo uu ka mid yahay Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Milateriga Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

    Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in afar ka mida dadka ku dhintay Hotel Afrik ay ahaayeen maleeshiyaadii Weerarka ku qaaday Hotelka, waxaana laga badbaadiyey inta badan dadkii Hotelka ku go’doomay, waxayna ciidamadii ugu horeeyay ee Hotelka gaaray ay noqdeen ciidamo iyo ilaalo gaara, kadibna waxaa tegay ciidamada Booliska.

    Howlgalkii ciidamada Amniga ayaa ka bilowday qeybta sare ee Hotelka, waxaana laga xarko iyo sallaan looga saaray dadkii ku xayirnaa qolalka kala duwan ee Hotelka Afrik. Maleeshiyada oo Bambooyin badan watay ayaa qaraxyo waaweyn mar waliba ka sameynayay gudaha Hotelka.

    Weerarkan oo ahaa kii ugu weynaa oo qarax iyo weerar toos ah isugu jira oo Muqdisho ka dhaca tan iyo bartamihii Bishii Ogost 2020 oo Alshabaab ay galeen Hotelka Elite ee degmada C/casiis, Xeebta Liido ee Muqdisho ayaa muujinayah in xaaladda Amniga caasimadda aan wax horumar ah laga gaarin.

    Hotel Afrik Muqdisho Weerar Alshabab
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJen. Galaal oo ku dhintay Weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotel Afrik iyo Wararkii ugu danbeeyay…
    Next Article Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha, Musharixiinta, Madaxda DG iyo siyaasiyiin Tacsi u diray Jen. Galaal

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo