Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, July 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»WARBIXIN: Xaaladda Sacuudiga oo kacsan & Olole musuq la dirir oo ka socda [Trump oo uga sii daray]

    WARBIXIN: Xaaladda Sacuudiga oo kacsan & Olole musuq la dirir oo ka socda [Trump oo uga sii daray]

    November 7, 2017Updated:November 7, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaaladda siyaasadeed ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa kacsan kadib markii dhaxal sugaha dalkaasi oo ah wiilka uu dhala boqorka talada haya Maxamed Bin Salmaan uu xabsiga dhigay wasiiro, wasiiro hore iyo ganacsatada ugu waaweyn dalkaasi.

    Arrintan oo qeyb ka ah ololaha musuq la dirirka ee ka socda Sacuudiga ayaa lagu xirxiray raggii ugu awoodda iyo dhaqaalaha badanaa dalkaasi, tallaabo lagu sheegay in wiilka 32 sano jirka ah uu doonayo inuu dhammaan la wareego Sacuudiga.

    Tallaabada la qaaday ayaa la sheegay inay tahay mud bilow ah oo meesha looga saarayo musuqmaasuqa, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud. Qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro.

    Wararka la xiriira hawlgalka ka dhanka ah ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa soo baxay Axaddii. Waxayna arrintaasi awoodda u sii kordhinaysaa Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga.

    Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Mohamed
    Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Mohamed

    Guddi musuqmaasuqa la dagaalamaya oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah.

    Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka la hayo. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray tallaabada ay qaadday xukuumadda Sacuudiga.

    Sheekh Sacuud Al Mojeb oo waxa qabsoomay ilaa iyo hadda war ka soo saaray ayaa sheegay in “wajigii koobaad” ee baaritaanku uu soo idlaaday. “Waxaan arruurinayay caddaymo muhiim ah, su’aalo faahfaahsan ayaana la waydiiyay”, ayuu hadalka ku sii daray.

    Waxa arrinta uga sii daray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si buuxda u taageeray ololaha kasocda Sacuudiga “Kalsooni wayn ayaan ku qabaa Boqor Salmaan iyo Amiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga, way garanayaan waxa ay sameynayaan..” ayuu Twitter-ka ku soo qoray, wuxuuna intaas ku daray in dadka la xirxiray ay tobanaan sano dalkooda iska maalayeen.

    Saxaafadda Ingiriiska ayaa loo dusiyay muuqaal fadeexo ah oo ku saabsan goobta lagu xiray wasiirada iyo ganacstada waaweyn, meeshaas oo hore u ahayd hotel ayaa waxaa ka muuqda in barxadda hotelka loo dhigay joodariyeel ay ku seexdaan sida Kaam oo kale.

    Humiliation: This image, passed to DailyMail.com by sources inside the Saudi government, shows what were some of the country's most powerful men - sleeping on thin mattresses in the function room of the Ritz Carlton 

    Wadani

    King Salman Mohamed Bin Salman Sacuudiga Saudi Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha dalka Masar [Sawirro]
    Next Article SAWIRRO: Ciidamada AMISOM oo Bandhig is-muujin ah ka sameeyay Gobolka Shabeelada Hoose

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo