Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Warbixin Xasaasi ah oo Qaramada Midoobey kasoo saartay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo

    Warbixin Xasaasi ah oo Qaramada Midoobey kasoo saartay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo

    October 24, 20165 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xafiiska iskuduwida arrimaha bini-aadanimo ee QM, ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan OCHA ayaa warbixinta uu ka sameeyey xaaladda dagaalka ee magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku sheegeen in ay xaaladda dadka magaaladaasi ku nool ay liidato.

    Sida ay warbixintu qortey, 18 qof ayaa ku dhintey 60 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalkan tan iyo 7dii bishan aan ku jirno ee October. Sidoo kalena, qiyaasta bahwadaagta ka shaqeynaya arrimaha bini-aadanimo waxaa dagaalkan wali socdaa ku barakacay dad ka baddan 75,000. Hasa ahaatee maamullada deegaanku waxaa ay sheegayaan in tiradu intaas ka baddan karto, maadaama uu barakici wali socdo oo dagaalka laga qaxayo.

    Dagaal xooggan ayaa doraad oo ay bishan October 22 ahayd dib uga soo cusboonaadey magaalada Galkacyo, kaas oo lagu diley 6 ruux 21 kalana lugu dhaawac, islamarkaasna kumanaan dad ah u barakiciyey daafaha magaalada sida ay sheegeen maamulada magaalada. Dagaal xooggan ayaa subaxdi hore ee maanta laga soo sheegayaa.

    Sida ay warbixinto OCHA qorteyna, 20% qiyaastii dadka dagaalka ku dhintey iyo dhaawacaba baddan waa shacab ay intooda baddan rasaas wiifto ah haleeshey. Dhamaan degaanadi barakacayaasha waala faaruqiyey. Koonfurta Gaalkacyo waxaa ka qaxay 20.000 oo barakacayaal halka ay waqooyiga Gaalkacyo ka firdhadeen 60.000, sida ay warbixintu sheegtey. Qaybta barakacayaasha ee waqooyiga magaalada waa markii labaad ee ay la kulmaan qax, guud ahaana waxaa mar labaad Gaalkacyo ka qaxay 40.000 oo dad ah.

    Dadaal dheeraad ah oo ay dowlada dhexe ee Soomaaliya ku dooneyso in ay colaada ku damiso ayaa socodo. Bishii 12naad ee sanadkii tagey ee 2015-kii, mar uu dagaal kan la mid ah ka biloowdey Gaalkacyo ayaa dadaalka dowlada Federaalka ah iyo kuwa gobolka sida IGAD waxaa ay horseedeen wadahadalo xabadidi joojiyey.

    Hasa ahaatee, talayoonki la soo jeediyey xabad joojintaas kadab ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in la sameeyo gudi iskudhaf ah oo daraasadeeya sababaha aasaasiga ah ee dhaliya soo noqnoqoshada dagaallada magaaladan. Balse taladaasi waxaa ay noqotey hal bacaad lagu lisey maadaama meeshii heshiiska lagu sixiisay aan laga qaadin.

    Qorsheyn ay wadajir usameeyeen bahwadaagta arrimaha bini-aadanimo ee Gaalkacyo iyo maamullada deegaanka 19ki bishan 10naad ayaa lagu gaarey in dhamaan deegaanada barakacayaasha ee xaafada Galsoor ee degmada Gaalkacyo, laga raro dadka ku dhaqan. Waxaa sidoo kale guryahooda faaruqinayo dadka deegaanka oo dareensan in uu dagaalku qaadanayo mudo ka dheer inti markii hore la qiyaasayey.

    Reer Gaalkacyana waxaa ay aad uga cabaneysaan heshiis la-aanta labada dhinac. Degmada gaalkacyo waxaa ku nool bulsho dhan 270.000 sida ay warbixintan kasoo xigatey hayd-ada QM u qaabilsan kubcinta tirade dadka ee loo soo gaabiyo UNFPA. Dhibaatooyinka ka dhalanaya dagaalka Gaalkacyo waxaa ay sii murjinayaan xaalada barakacayaasha oo markeedii horeba murugsneyd. Taas oo ciriiri sii galineyso kaalmadii yareyd ee markii horeba loo hayey dadka barakacayaasha ah oo ay kuwo horleh abaaraha soo barikacsheen.

    Warbixinta hay-adan OCHA waxa kale oo ay wax ka qortey raad ka ay dagaaladan ku yeesheen xaallada Bini-aadanimo.

    Qiyaasta bahwadaagta arrimaha bini-aadanimo ee deegaanka howlgala, waxaa magaalada ka qaxay in ka baddan 75.000 ilaa iyo 22 October oo ah 2 maalmood oo ay dagaalo socdaan ka hor. Sidoo kale, waxaa la faaruqiyey 13kii xero ee barakacayaasha ee koonfurta iyo 8dii waqooyiga dhamaantood.

    Dadka magaalada ka qaxay intooda baddani waxaa ay u kala qaxeen tuulooyinka magaalada iyo nawaaxigooda. Qaybaha kale ee dadka deegaanka ee qaxayna waxaa ay gaareen miyiga iyo magaalooyinka ku dhow Gaalkacyo iyaga u martiyey ehel iyo asxaabtoodaba. Hasa yeeshee dadka barakacayaasha ah waxaa ay u baahan yihiin deegaan, raashin, biyo nadiif ah, caafimaad, nafaqeyn iyo difaac la xariiro faragelin lagu sameeyo.

    Sidoo kale, barakacayaashaa waxaa raad ku yeelanayo roobbabka Dayrta oo culeys ku noqonayo dadka banaanada u hoyanaya. 80% dadka barakacayaasha ah waa waayeel, haween iyo caruur. Sida ay warbixinta qortey, tan iyo intii uu dagaalku biloowdey 4 duulimaadyo oo gaalkacyo tagi lahaa ayaa la baajiyey arrimo amni dartood.

    Dagaalka Gaalkacyo waxaa kale oo uu saameeyey waxbarashadi, 20.000 oo ardey ayuu dugsiyadi waxbarashada ka hor istaagey. Hay-adihi gargaarkana waxaa ku yaraadey howlawadenadi maadaama arrimo amni awgood uu dhaqdhaqaaqi magaalada yaraadey. Sidoo kalana, nolasha bulshada waxaa raad ku yeeshay ganacsigi oo intiisii badneyd xirmey, inta soo harteyna ay furitaankoodu xadidanyahay.

    Dadka reer miyaga ah iyo kuwa ka ganacsado xoollaha oo iyaguna ku xirnaa suuqa xoollaha ee Gaalkacyo ayuu dagaalku saameyn ku yeeshey. Ganacsatadan ayaa xoollo baddan ku rarta gaadiid iyaga oo u safriyo magaalada Boosaaso. Magaalada Gaalkacyo waa mid xudun u ah dalka maadaama ay isku xirto gobolo baddan sida Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug oo ay caasimad utahay. Dallaga beeraha kasoo go’a ee koonfurta iyo bartamaha dalkana waxaa qaybo baddan oo ka mid ah ay maraan isla Gaalkacyo.

    Warbixintan ayaa sidoo kale eegtay heerka gargaarka degdega ah ee loo fidiyey dadka ay dagaalado aafeeyeen.

    Tan iyo markii ay dagaaladu biloowdeen ayaa Bahwadaagta arrimaha bini-aadanimo ee Gaalkacyo oo ay wadashaqeynayaan hay-adaha caalamiga ee arrimaha bini-aadanimo iyo bulshada rayidka waxaa ay bilaabeen gargaar la gaarsiinayo dadka barakacay. Waxaana goobaha ay barakacayaashu isugu tageen laga sameeyey xarumo caafimaad iyo nafaqeyn oo ku meelgaar ah.

    Hay-adaha caafimaadka iyo nafaqeynta ku howlana waxaa ay labo jibaareen adeegoodi, iyaga oo maalintiiba gaara dad dhan 5.000 oo qof. Dadka barakacayna waxaa la gaarsiiyaa biyo dhaamin ka baddan 30.000 liter. Waxaa ay hay-aduhu magaalada Cadaado ku diyaariyeen 95.000 oo sanaaduuqda qalabka nadaafada, kaas oo anfacayo dad gaaraya 60.000.

    Waxaa Gaalkacyo ka hawlgala 3 hay-adood oo Qaramada Midoobey ah, 14 hay-ado caalami ah iyo 27 hay-ado deegaan.

    Gaalkacyo UN
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSoomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Maxkamadaha Sare ee Jaamacadda Carabta [Sawirro]
    Next Article DHAGEYSO: Yaa Maalgeliya ololaha Musharixiinta ee Doorashada Soomaaliya?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo