Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xukuumadda»Hiigsiga cusub»WARBIXIN XASAASI AH: Sirta ka dambeysa Shirka madaxweynayaasha Maamulada Soomaaliya ee Muqdisho

    WARBIXIN XASAASI AH: Sirta ka dambeysa Shirka madaxweynayaasha Maamulada Soomaaliya ee Muqdisho

    February 4, 20153 Mins Read Hiigsiga cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shir ay markii ugu horeysay madaxweynayaasha maamul goboleedyada dhisan Soomaaliya marka laga reebo Somaliland yeelanayaan ayaa qabanqaabadiisa ka socotaa Muqdisho iyadoo la filayo inay magaalada soo gaaraan hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).

    SADDEXDA-MADAXWEYNE

    Shirkan oo si lama filaan ah  loo shaaciyay inuu Muqdisho ka dhacaya ayaa Wadani.com waxay raadraac ku sameyneysaa sida shirkani  ku yimid iyo sababtii keentay in xiligan Muqdisho lagu qabto.

    Shirkan waxaa markii ugu horeysay soo hindisay Shariif Xasan Sheekh Aadan hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna yimid kadib markii Shariifka ku hungoobay inuu xubno ku yeesho golaha wasiirada ugu danbeeyay ee uu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyadoo xukuumadii hore uu talo weyn ku lahaa.

    [button link=”” icon=”Select a Icon” side=”left” target=”” color=”b70900″ textcolor=”ffffff”]SUXUFIGU MA GUURIYO QORAALADA SAXAFIYIINTA KALE ISAGOO AAN XIGANIN.. [/button]

    Shariif Xasan ayaa ku qanciyay Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas inay shir isugu yimaadaan si ay uga wadahadlaan xaaladda dalka iyo walaaca ka taagan hiigsiga 2016. Waxayna isla garteen inay shirkaas degdeg u qabtaan oo kasoo saaraan arrimo muhiim ah oo ku saabsan in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh aanay ku socon hiigsiga 2016 iyo in lagula xisaabtamo dowladda howlihii dastuuriga ahaa ee ay fulin weyday. Waxaa kaloo ay isla garteen inay soo saaraan go’aano ay ka mid tahay inaan haba yaraatee muddo kordhin loo sameyn karin hay’adaha dowladda Soomaaliya kadib 2016-da marka waqtigeedu dhammaado.

    Shirkaas ayay saddexda madaxweyne ayay isla go’aansadeen inay ku qabtaan magaalada Kismaayo iyagoo gogosha uu dhigay Axmed Madoobe. Haddaba qorshahaasi oo gabagabo ku dhow ayuu ka war helay madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaasi ay khalkhal weyn gelisay, wuxuuna si degdeg u farageliyay xaalada isagoo la wada xiriiray, kuna casuumay inay shirkooda ku qabsadaan magaalada Muqdisho isagana uu kharashka bixinayo. Dadaal dheer kadib waxay ogolaadeen inay Muqdisho tagaan, shirkoodana ku qabsadaan, inkastoo arrimihii u gaarka ahaa aan laga wadahadlin. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajo ka qaba in shirka Muqdisho ka dhacaya uu saameyn ku yeelan karo.

    Wararka ay heleyso Wadani.com ayaa sheegaya in Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaaray iyadoo labada mas’uul ee kale ku soo wajahan yihiin Muqdisho ayaa waxaa barbar socda in Madaxweyne Xasan Sheekh uu olole xoogan ugu jiro ilaa iyo xalay in degdeg loogu dhawaaqo xukuumadda cusub ee Cumar C/rashiid inta  aanu qabsoomin shirka madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Soomaaliya si aanay saameyn ugu yeelan haddiiba ay dhacdo inay go’aan ka soo saaraan shirkooda.

    [ad name=”HTML-2″]

    Dhinaca kale shirka madaxweynayaasha Gobolada ayaa laga yaabaa inay saameyn xun ku yeelato magacaabidda xukuumadda cusub oo iyagoo Muqdisho kusoo wajahan ama markaas soo caga dhigtay lagu beegi doono, taasina laga cabsi qabo inay uga sii darto xiisadii markii hore u dhaxeysay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynayaasha maamulada dalka.

    Axmed Madoobe oo madaxweyne loogu magacaabay safarkii ugu danbeeyay ee Xasan Sheekh ku tegay Kismaayo iyo Shariif Xasan oo taageerada Xasan Sheekh Madaxweyne ku noqday waxay ku doodayaan kana tabanayaan madaxweyne Xasan Sheekh inuusan wax talo ah ka siin magacaabidda Golaha wasiirada Federaalka, waxayna hadda u muuqdaan inay bilaabayaan adeegsiga awooddooda siyaasadeed. Halka C/weli Gaas uu arrimaha Federaalka bannanka ka joogay iskana ilaalin jiray wixii hadda ka danbeeyay.

    Dareenka ku jira madaxda maamulada dalka ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh keligii u tashanayo masiirka dalka oo dhan isagoo isu diyaarinaya Hiigsiga cusub inay talada awoodda dalka ku soo laabtaan isaga iyo kooxdiisa. Waxaa la arki doonaa natiijada kasoo baxda shirka madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo inuu ka duwanaado haddiiba uu qabsoomo kii la qorsheeyay inuu ka dhaco Kismaayo.

    [button link=”” icon=”Select a Icon” side=”left” target=”” color=”b70900″ textcolor=”ffffff”]SUXUFIGU MA AHA MID QORAALADA SAXAFIYIINTA KALE GUURIYA AMA DIB U QORTA ISAGOO AAN XIGANIN.. [/button]

    GJ-bannerhoose

    WARBIXINADA Wadani.COM

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Axmed Madoobe C/weli Gaas Madaxweynayaasha Somalia Muqdisho Shariif Xasan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CUSUB: Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo baxsaday iskana dhiibay Yurub
    Next Article XOG CULUS: Xildhibaano wasiiro hore ahaa oo hor istaagay ansixinta sharcigii Doorashooyinka

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

    November 3, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    Madaxda Dalalka Somaliya, Masar iyo Eritrea oo ku shirsan Asmara iyo Isbaheysi cusub..

    October 10, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo