Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, horena u soo noqday wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa olole doorasho u tegay magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaan Goodax ayaa dagaal adag laghalay inuusan dhismin maamulka Hirshabeelle, wuxuuna weliba aflagaado u geystay dadka Shabeelaha Dhexe iyo magaalada Jowhar laf ahaanteeda, taasoo ay ugu wacneyd loolanka siyaasadeed ee kala dhaxeeyay saaxiibkiisii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Markii ugu dambeysay wuxuu C/llaahi Goodax Barre hormud u ahaa maamul la sheegay in laga dhisayo magaalada Beledweyne oo loo bixiyay Hiiraan State, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiinta khadka ka lumiyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Kursiga uu doonayo C/llaahi Goodax Barre inuu dib u hanto ee Beesha Xawaadle/Agoon waxaa kula loolamaya siyaasiyiin fara badan oo ay ka mid yihiin: Maxamed C/llaahi Garguurte, Ibraahim Xabeeb Nuur iyo xubno kale, waxaana la filayaa inuu noqdo kursi dhaqaale badan lagu kala qaato.
C/llaahi Goodax ayaa loo badinayaa inay ku dhacdo fashilkii Cadaado ay ku qabsaday xildhibaan C/samad Macalin oo kursi ka mida Aqalka u doontay maamulkii uu dagaalka kula jiray ee Galmudug.
Wadani.com