Daraasad ay sameysay Hay’adda cilmi baarista Itoobiyaanka ah ee CRCD ayaa qeyb ka mida waxay ka ka hadashay dadaal ay Itoobiya u gashay inay mideyso musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu diiday inuu ololaha doorashada la galo madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud, isla markaana helaan fursad ay dib ugu soo wada laabtaan, taasoo uu diiday Cumar C/rashiid isagoo isu sharxay madaxweyne.
Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu taageero ka heysto dowladda Kenya iyo dal carbeed oo dano shidaal ka leh Soomaaliya, halka Shariif Xasan uu doonayo inuu isbedel aan suuragal ahayn ka sameeyo hogaanka sare ee Soomaaliya.
Qoraalka ayaa sheegtay inay jiro aaminaad guud oo ah in qof kasoo jeeda Beesha Abgaal siiba hawiye uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya, taasoo muddo dheer soo jirtay.
LA SOCO QEYB KALE OO WARBIXINTA KA MIDA