Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa wareegto ku soo saaray ansixinta magacaabidda lix safiir oo cusub oo la sheegay inay soo jeedisay wasaaradda arrimaha dibadda.
Safiiradan oo magacaabidooda ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ka kooban lix safiir oo la qariyay dalalka loo magacaabay, taasoo fadeexad maamuleed ku ah golaha wasiirada oo caado ay u noqotay inuu dood la’aan iyo ogaal la’aan iska ansixiyo wax waliba oo la horkeeno.
Safiiradan la ansixiyay ayaa loo diray madaxweynaha si uu u magacaabo, waxayna wararku sheegayaan in dalalka loo magacaabay ay kaliya isla og yihiin Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha oo dib dalkii ay doonaan ku qori doona safiirada magac ahaanta loo magacaabay.
Qaar ka mida golaha wasiirada oo aanu wax ka weydiinay magacyada safiirada ay ansixiyeen iyo dalalka ay safiiro ka noqon doonaan ayaa noo sheegay inaysan wax war ah ka heynin, balse ay ogolaadeen rabitaanka madaxda sare.
Heerka ay gaartay ku-takri falka awoodda iyo musuqa hareeyay madaxda sare ee dalka waxaa marqaati cad ka ah in Hay;adii ugu sareysay dalka ee fulinta oo ahayd golaha wasiirada ay xaaladan ku sugan yihiin, waana caddeyn kale oo muujineysa dowladnimada aanu sheeganeyso nooca ay tahay.
HOOS KA AKHRI WAREEGTADA OO UU KU SAXIIXAN YAHAY WASIIRKA CADAALADDA
Wadani.com