Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Wareysigii BBC-da ee Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dhaliyey Dood kulul & Weerar lagu qaaday Weriye Farhan M. Jimcaale

    Wareysigii BBC-da ee Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dhaliyey Dood kulul & Weerar lagu qaaday Weriye Farhan M. Jimcaale

    July 31, 20182 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baraha bulshada waxaa qabsaday saacadihii ug danbeeyay dood ku saabsan wareysi toos ah oo Telefishanka BBC-da la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmahan ba ku sugnaa magaalada Garoowe.

    Wareysiga oo toos ahaa waxaa la yeeshay weriye Farhaan Maxamed Jimcale, waxaana dooda ugu weyn ka dhalatay su’aal uu weriyaha weydiiyey Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ahayd: “Inuu Marti ku yahay magaalada Garowe..?”, waxaana wareysiga kadib baraha bulshada ka bilowday weerar lagu qaaday weriyaga BBC-da ee Farhaan Jimcaale iyo difaac wada socda.

    Waxaa arrintan hoggaaminaya weriyeyaal la kala safan labada dhinac oo qaar weerar ku yihiin weriyaha iyo su’aalaha qalafsan ee uu weydiiyay Ra’iisal wasaare Kheyre, halka qaar kale ay difaacayaan su’aalaha adag iyagoo ku eedeynaya taageerayaasha xukuumadda inay u barteen su’aalaha weriyeyaasha Guulwadayaasha ah.

    Nuxurkii wareysiga oo dad badan ka faa’iideysteen waxqabadkii laga sugayey Xukuumadda Kheyre iyo dowladda Farmaajo ee Nabad iyo Nolol ayaa loo wareejiyey dood iyo weerar ku socda weriyaha wareysiga qaaday.

    Hadalka wariye Farxaan ee ahaa “Reysal wasaare Garoowe marti baad ku tahay” wuxuu gef ku yahay dhammaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan rajeynayaa in Farxaan garowsado qaladkiisa si degdeg ahna uu umadda Soomaaliyeed ka raaligeliyo. Saxaafadda noocaan ah waa farshaxan cuqdadeed oo gaboobay oo badawnimo salka ku heysa. PM Kheyre wuxuu booqday dadkuu reysal wasarraha u ahaa ee uu u dhaartay, waxaaba la dhihi karaa wuu kasoo daahay Garoowe. [Cabdicasis Arab).

    Ruug cadaaga Saxaafadda Farhan Jimale oo su’aalo adag weydiiyey Raisul Wasaare Hassan Ali Kheyre. Dhageyso Suaalo badan oo Jawaab loo waayey horeyna dawladdu u balan qaaday!!! [Maxamed Dahir Guled]

    Dadka dhaliilaya waraysiga laga qaaday R/wasaaraha Soomaaliya ee ka baxay Telefishinka BBC,da mawaxay rabeen in la waydiiyo R/wasaaraha su’aalaha uu asagu rabo.!? Su’aalihii loo baahnaa ayaa la weydiiyay R/wasaaruhuna jawaabihii loo baahnaa ayuu baxshay… [Burhaan Diini Faarax].

    Waan ka xumahay weerarka lagu qaaday Farhan Jimale ee ka dhashay wareysigi uu la yeeshay Raysil wasaare Kheyre. Ma fahmi karo sababta kicisay taageerayaasha Md. Khayre, laakin waxaan hubaa in Farhan uu jabiyay xeerki warbaahinta ee u yiilay xafiiska raysil wasaaraha, ee ahaa in aan si dhab ah wax loo weydinkarin Raysil wasaaraha, wareysi gaar ah iyo shir jaraa’id toona. Waaban la yaabbanaa sida uu idinkaga aqbalay wareysi toos ah, yeelkeede aan kala saarno raysil wasaaraha iyo guul wadayaasha aan diiwaanka lahayn. BBC waan in sida warbaahinta Soomaalida lacag loo qoraa haddii la rabo in ay guul wadeyso. [Ayanle Xuseen Cabdi].

    HOOS KA DAAWO WAREYSIGA
    BBC Telefishanka BBC-da Wareysigii Farhaan Maxamed Jimcaale Weriye Farhaan Maxamed Jimcaale
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: Daaha ku wareegsan Kacbada barakeysan ee Maka Almukarama oo Dib u habeyn lagu sameeyay
    Next Article DHAGEYSO: Shaafi Raabi oo ka Warbixiyey wixii ku qabsaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho & Safarkii laga reebay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo