Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, July 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wargeys Kenya kasoo baxa oo Weerar yaab leh ku qaaday Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin & Dalka Qatar (Akhriso)

    Wargeys Kenya kasoo baxa oo Weerar yaab leh ku qaaday Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin & Dalka Qatar (Akhriso)

    May 2, 2020Updated:May 3, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo uu socdo ololaha warbaahinta Kenya ee ka dhanka ah Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa qaar ka mida Wargeysyada Kenya waxay weerar toos ah ku qaadeen Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo dowladda Qatar.

    Qormo dheer oo maanta lagu daabacay Wargeyska ‘The-star” ayaa cinwaan looga dhigay; “Xiriirka dhow ee Dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya Alshabaab iyo halista amniga Gobolka” ayuu wargeysku ku dooday in Alshabaab ay dhex galeen dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada ilaa ay iyagu soo xulaan, soona magacaabaan xildhibaannada.

    Wargeyska oo difaacaya qoraal hore oo ay si weyn u beenisay dowladda Federaalka markii uu shaaciyey dokumentiyo la been abuuray oo ku saabsan xiirir ka dhaxeeya madaxda NISA iyo Alshabaab oo lagu sheegay in lacag 1.8 Milyan oo doolar ah ay NISA ku siisay Alsahbaab si ay weerarro ugu qaado gudaha Kenya, ayuu haddana faahfaahin ka bixinayaa sida Alshabaab ugu milantay maamulka dowladda iyo cashuurta ay ka qaado Muqdisho.

    Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo mas’uul ka tirsan NISA C/llaahi Kulane ayuu Wargeysku diiradda saaray isagoo sheegaya inay xiriir toos ah la leeyihiin Alshabaab, isla markaana ay doonayaan in xukun Khilaafo islaami ah laga dhiso Soomaaliya.

    Warkan oo la filayo inuu qeyb ka yahay olole warbaahinta Kenya wado, lana filayo in wargeysyo kale sii faafiyaan ayaa Agaasimaha NISA ku eedeynaya inuu dagaalyahan ahaan loogu soo tababaray dalalka Afghanistan iyo Pakisan isagoo la tababartay Sheekh Xasan Daahir iyo Axmed Godane, arrintan oo ah mid xaqiiqada ka fog.

    Wuxuu kaloo Wargeyska ‘The-star” ku doodayaa in Fahad Yaasiin oo dhaqaale ka helaya dalka Qatar uu dhisay xubno Alshabaab ah oo NISA lagu soo daray, ayna dowladda Qatar dooneyso inay Soomaaliya ka dhisto maamul u daacad ah iyada oo ka horjeeda Imaaraadka iyo Turkiga, una adeegsado hantida dalka Qatar inuu ku curyaamiyo dowladda Soomaaliya.

    Wargeyskan oo soo xiganaya ilo Amni oo aanu sheegin ayaa qoraalkiisa kusoo xiray in Fahad Yaasiin oo awood iyo saameyn ku leh madaxda dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, gacanna ka helaya dalka Qatar inuu waqti uun naga xigo xilliga uu gaari lahaa ujeedkiisa weyn ee ah in Soomaaliya laga dhiso dowlad Khilaafo islaami ah.

    Ololaha warbaahinta Kenya ayaa ku soo beegmaya iyadoo gudaha dalka ay sidoo kale ka socdaan olole kale oo lagu dhaleeceynayo Hay’adda NISA.

    GOOBJOOGE.NET

    Alshabab Fahad Yaasiin Kenya Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article70 Soomaali ah oo Cudurka Coronavirus laga helay labadii maalmood ee ugu danbeeyay…
    Next Article Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug oo ka socda Gobolka Mudug…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo