Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in war uu maanta Duhurtii Muqdisho kasoo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaliyay in lagu kala kaco shir ay lahaayeen wakiilada Beesha Caalamka iyo madaxda Puntland oo la doonayay in lagu saxiixo heshiiska. [AKHRI WARKA MADAXWEYNAHA].
Puntland ayaa la sheegay inay diiday daqiiqadii ugu danbeysay inay heshiiska ku saxiixdo, kadib markii warka madaxweynaha ay qoonsatay kaasoo lagu sheegay in qoddobada faahfaahin qaabka doorashada 2016 looga hadli doono Shirka madaxda Somaalida yeelan doonaan bartamaha bishan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xiriir toos ah la sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo laga dooday rabitaanka Puntland eee ah inaan heshiiskeeda lagu xirin shir kale oo iyada si gaara loogu fuliyo qodobada ay dooneyso. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh go’aan kama dambeys ah siiyay Cumar C/rashiid, kadibna shirka dib loo bilaabay mar kale galabnimadan casirka kadib.
Shir kale ayaa la sheegay inuu u socdo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo Ergayga Q/Midoobay u qaabilsan Micheal Keating, shirkan oo la filayo in xal lagu gaaro. Waxaana xaalada u muuqataa in cakiran inkastoo heshiiska fulintiisa iyo qaabka heshiiska kadib loo shaqeynayo ku saabsan yihiin arrimaha Puntland ka soo taagan tahay.
Wadani.com