Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Warmurtiyeed: Shirweynaha Warfaafinta dowlada iyo Warbaahinta madaxa bannaan ee Muqdisho

    Warmurtiyeed: Shirweynaha Warfaafinta dowlada iyo Warbaahinta madaxa bannaan ee Muqdisho

    November 25, 2015Updated:November 25, 20155 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay la jiraan inta badan ururadda ay ku mideysan yihiin weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Hoteel City Palace ee magaalada Muqdisho 24 – 25 Nofeembar 2015, waxaana shir guddoominayey Wasiirka Warfaafnta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

    • Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiiradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasiiradda Warfaafinta Dawlad goboleedyada ay ka mid yihiin:
    • Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdinuur Cali Aadan
    • Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdi Maxamud
    • Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Mudane Maxamed Aadan Cismaan
    • iyo Wafdi uu hogaaminayo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel).

    Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiillo ka socda Gobollada Banadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe, Wakiilo ka socda ururrada ay ku mideysan yihiin weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, Dawladdo iyo diblomaasiyiinta daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera warbaahinta Soomaaliya.

    Waxaa shirka taageeray xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM (UNSOM) oo si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM, Nicholas Kay ayaa ka soo qeybgalay furitaanka shirka.

    Go’aamada Shirka kasoo baxay

    1. Wasiirradu waxey soo dhoweeyeen, una mahadceliyeen doorka xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo taageeray shirkan muhiimka ah. Sidoo kale waxey u mahadceliyeen doorka hay’adaha IMS iyo Fojo ee ku aadan diyaarinta barnaamijka, qorshaha istraatejiyada warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah kadib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka si loo ogaado baahiyaha iyo dhibaatooyinka haysta warbaahinta ka hawl gasha dawlad goboleedyada iyo sidii loo hormarin lahaa.
    2. Wasiirradu waxay isku dhaafsadeen shirka warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo Warfaafinta.
    3. Waxay isku waafaqeen wasiirradu muhimadda ay leedahay in Wasaaradaha Warfaafinta iyo dhamaan bahda warbaahinta dalku yeeshaan qorshe iyo istraatejiyad cad oo lagu taageerayo nabadda iyo xasiloonida dalka, lagulana dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimadda.

    4. Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci siinta hay’adahaas, iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha.

    5. Wasiiradu waxey isla garteen in Xeerka Saxaafada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee hada horyaala golaha shacabka Soomaaliyeed dib loo dhigo ansixintiisa mudo 15 cisho ah si dawlad goboleedyadu fursad ugu helaan in ay soo dersaan sharciga.

    6. Wasiiradu waxey isla garteen in marka la ansixiyo xeerka Saxaafadda laga wada shaqeeyo dhaqangelintiisa iyadoo golaha Warbaahinta Qaranka ee la dhisi doono ay xubno ku yeelan doonaan Dawlad Goboleedyadu si goluhu u wajaho cabashooyinka iyo anshax marinta shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerkaas ama anshaxa iyo asluubta warbaahinta.

    7. Waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna amaaneen horumarka lixaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxay xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah.

    8. Wasiirradu waxa ay isla meel dhigeen in si hawlgallada ciidan iyo horumarka dalka ka socda uu u guulaysto, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliyana ay u noqoto mid joogto ah in loo baahan yahay in dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo is kaashanaya ay sameeyaan wacyigelin bulsho iyo dib u heshiisiin buuxda oo la dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha bulshada ee wax kala tirsanaya.

    9. Waxay hoosta ka xarriiqeen in bahda warbaahinta oo is kaashanaysa ay sameyn karto wacyigelin bulsho oo beelaha iyo shacabka Soomaaliyeed ka saarta kala shakiga iyo isku kalsooni la’aanta ay ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday.

    10. Wax ay cambaareeyeen ficillada dilka, xariga aan sharciga aheyn iyo hanjabaadaha ah ay kooxaha argagixisada ah iyo sharwadayaal kaleba ay ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo ay sharciga hor keenaan.

    11. Wasiirradu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed ay gelayso marxaladda cusub.

    12. Waxay si wadajir ah isagu raaceen in hay’adaha saxaafadda taageera ee caalamiga ah ee magaca warbaahinta Soomaaliya deeq bixiyeyaasha lacagaha uga soo qaata ay barnaamijyadooda u soo gudbiyaan Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleed si looga hortago in barnaamijyo isku mid ah ay wada saameeyaan oo aan ka tarjumeynin baahida warbaahinta.

    13. Wasiirradu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo urrurada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dawlad goboleedyada ay ka hawlgalaan, isla markaasna u gudbiyaan qorsha hawleedkooda oo dhameystiran.

    14. Waxay wasiirradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay wacyigelin la xiriirta barashada dhinacyada Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka, loona baahan yahay in Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleedyada la yimaadaan qorshe mideysan oo ay ku wacyigelinayaan bulshada Soomaaliyeed.

    15. Waxay Wasiiradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed loo qabto barnaamijyo wacyigelineed oo la xiirira amniga, wadaniyada, midnimadda iyo is aaminka ka dhexeeya shaqsiyaadka, degaamadda iyo beelaha Soomaaliyeed.

    16. Wasiiradu waxay bogaadiyeen hawlgaladda amni iyo guulaha ay ka soo hoynayaan dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxayna ugu baaqaan in ay soo afjaraan ciribtirka UGUS iyo kooxaha nabad diidka ah ee doonaya in ay gabaad ka dhigtaan Soomaaliya.

    17. Wasiiradu waxay isku afgartaan in ay shir dambe isugu soo noqdaan bisha December 2015 si ay u meel mariyaan qorshaha iyo istraatejiyada horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socoto oo hada gacanta lagu hayo.

    18. Wasiiradu waxay ugu baaqeen Dawladaha, hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan isla markaana joogteeyaan taageerada ay siinayaan qorshayaasha ay Wasaaraduhu wadaan oo si siman dalka oo dhan looga hirgelin doono.

    DHAMAAD

    Wadani.com

    Shirka warfaafinta Warfaafinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSocdaal Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi lahaa magaalada Beledweyne oo xayiran
    Next Article DAAWO: Qaabkii loo badbaadiyay Duuliyihii labaad ee diyaaradii dagaal ee Turkigu soo riday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo