Warshadii ugu weyneyd ee lagu sameeyo Calaqa iyo Mukhaaradaadka caasimadda Muqdisho ayaa lagu burburiyay degaanka Cirfiid ee duleedka degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Warshadan ayaa waxaa laga helay degaanka Cirfiid, iyadoo ay goobtaasi tageen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, taliyaha Booliska Gobolka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lagu qabtay 30 xaamood iyo 10 Warshadood oo Calaqa lagu sameeyo.
Nooca Warshada la qabtay oo ahayd tii ugu weyneyd ee caasimadda lagu arko ayaa muujineysa in Mukhaaradaadka uu si weyn ugu fiday magaalada Muqdisho, iyadoo lagu sameeyo degaanada u dhow, markii ay ka baxeen gudaha magaalada.
Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in la dagaalami doonaan Maandooriyaha oo halis weyn ku haya mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray tallaabo lag qaadi doono goobaha lagu kariyo Maandoriyaha & Hoteelada lagu isticmaalo.
Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa isna caddeeyay in dadkii lagu qabtay Warshada Calaqa maxkamad lasoo taagi doono.
