Kulan muddo sadex maalmood ah uga socday magaalada Muqdisho Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka iyo Wasiiradda Maamul Goboleedyada dalka ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed ka koobaan sagaal qodob oo lagu habeynayo maamulka Maaliyadda dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) oo ka hadlayay xiritaankii shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howsha wacan ee ay sida wadajirka ah u qabteen guddigii Wasaaradda Maaliyadda Federaalka iyo Wasiiradda ka socday maamul goboleedyada. Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa tilmaamay in shirkaan uu ahaa mid isku soo dhaweeyay Dowladda iyo Maamulada Dalka kajira, isagoona ku boorriyay dhinacyada shirka inay iska xilsaaraan dhaqan galinta qodobadii shirka ka soo baxay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmare ayaa kulan isbarasho iyo dardaaran ah kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirada ka socday maamulada goboladda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey maamulada goboladu inay xoojiyaan wadashaqaynta kala dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo qaybaha kala duwan ee Dowladda.
Shirka Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka iyo Wasiiradda Maamul Goboleedyada dalka waxaa laga soo saaray 9 qodob oo kala ah:
1. In Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Somaaliya ay Maamul Goboleedyada gacan ka siiso sidii loo hormarin lahaa tayada Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda ee Maamulada dalka
2. In Dowladda Federaalka iyo Maamuladda ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad ah iyadoo ay hormuud ka noqoneyso Wasaaradda Maaliyadda Federalka.
3. In la mideeyo canshuuraha iyo Tariifooyinka dalka, lana abuuro guddi heer Qaran ah oo ka shaqeeya arrimahaan.
4. In labaahiyo maamul wanaagga, isla markaana si siman loo gaarsiiyo dhamaan barnaamijka maareynta Maaliyadda Maamul Goboleedyada.
5. In la dhaqan geliyo adeegsiga qaabab Maaliyadeed casri ah oo isku mida.
6. In kulankan kiisa xiga ay go’aamiso Wasaaradda Maaliyadda Federaalka halka uu ka dhacayo.
7. In si cadaalad ah loo qeybsado deeqaha laga helo deeq bixiyayaasha.
8. In la is waafajo shaqada iyo hanti-dhowrnimada.
9. In siyaasad loo dhan yahay laga yeesho lacagta shilin Soomaaliga ah oo sii dabar go’aysa
Wadani.com