Wasaarada Amniga Galmudug ayaa amr ku bixsay in la furo Masjid ku yaalla magaalada Guriceel, waxayna sharci darro ku tilmaanay go’aan Boolisku degaankaasi ku xireen Masjidka.
War kasoo baxay Wasaarada Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Galmudug oo kaliya ay go’aan ka gaari karto in la xiro masjid oo aanay wax shaqo ah ku lahayn cid kale.
Hay’adaha amniga ayaa looga digay inay ilaaliyaan sharciga, kana fogaadaan ku lug-yeelashada muranada masaajidda ku saabsan, wxayna arintan ka dambeysay maanta markii Ciidamada Booliska Guriceel ayaa xireen Masjid ku yaalla Xaafada Towfiiq ee Guriceel.
Masjidkan ayaa waxaa hore u xiray maamulki Ahlusunna markii kooxda maamuleysa ay ku eedeeyen inaysan isku feker ahayn, waxaana dib loo furay dhowaan, laakiin kooxo raacsan Ahlusuna ayaa isku dayey abaabulani inay Dab qabadsiiyaan.
