Wasaarada Amniga xukuumadda Federaalka ayaa fasax ogolaansho ah siisay bannaanbax lagu wado inuu Berri ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayo Ra’iisal wasaaraha, loogana horjeedo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday.
Qoraal ay faafiyeen qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa ayaa muujinaya in Wasaaradda Amniga ay fasaxday bannaanbax ay fasaxday bannaanbax nabadeed oo Muqdisho ka dhacaya, ayna sugi doonto Amniga.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay diiday bannaanbax oo uu ku tilmaamay fowdo ay wadaan dad gobollo kale laga keenay, taasoo ay ku gacan seyreen xubnaha qabanqaabinaya (Halkan ka Akhriso).
“Banaanbaxa waxaa lagu taageerayaa: go’aanadii shirka madasha wadatashiga qaran, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo xalaal ah, taasoo uu hormuud ka yahay Raysulwasaare Rooble. Waa banaanbax nabadeed oo goob cayiman ka dhici doona” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo ka mida siyaasiyiiinta wada bannanbaxa.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA.
Tr: 10/01/2022
Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Ku: Taliyaha Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir
Ku: Golaha Bulashada Banaadir
Og: Guddoomiyaha Gobalka Banaadir
Og: Ra’iisulwasaaraha XJFS
Ujeedo: Sugidda Amniga Banaanbax Nabadeed
Iyadoo la tixraacaayo warqada ku taariikheysan 8/01/2022 oo ay Golaha Bulshada Banaadir ku soo weydiisteen wasaaradda Amniga gudaha in hayadaha amniga sugaan amnigooda xilliga ay sameeynayaan banaanbaxa nabadeed oo ay ku muujinaayaan dareenkooda siyaasadeed iyo taageerada dar dar gelinta doorashooyinka dalka Golaha Bulshada Banaadir ayaa warqaddooda waxaa ay ku caddeeyeen in ay isugu soo bixi doonaan banaabax nabadeed marka ay taarikhdu tahay 13/01/22.
Iyada oo la tixgelinayo xuquuqda dastuuriga ah ee bulshada u leedahay in ay qabsadaan isu soo bax nabadeed sida ku cad qodobka 20aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir in ay sugaan amniga dibad baxayaasha muddada ay samaynayaan dibad baxa nabadeed.
Sidoo kale guddiga qaban qaabada dibadbaxa nabaneed waxaa la farayaa in ay ka fogaadaan wax rabshada ah sidoo kalana si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha sugaya amniga dibad baxayaasha.
Cabdullaahi Maxamed Nuur
Wasiirka Wasaaradda Amniga XJFS
