Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay Amar ku wajahan in hub lala galo Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Amarkan ayaa lagu sheegay in la joojiyay in Hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada, iyadoo kaliya taasi loo ogol yahay ilaalada madaxda Sare ee dowladda Federaalka.
Arrintan ayaa si toos ah ugu wajahan musharixiinta xilka Madaxweynaha iyo madaxdii hore ee dalka oo ilaalo kooban oo amnigooda ilaalisa loo ogolaa markii hore inay la galaan Garoonka, inta ay ka raacayaan Diyaaradaha ama lasoo dhoweynayo.


