Wasaaradda amniga gudaha ayaa war kasoo saartay arrin qabsatay wararka magaalada Muqdisho oo ku saabsan haween cirbado sumeysan u adeegsaday darawladda mooto Bajaajta ee Muqdisho.
Wasaaradda ayaa sheegtay markii ay baaritaan ku sameysay iyada oo kaashaneysa hey’adaha u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada ay ku ogaatay in arrimaha ku saabsan in gabdho Soomaaliyeed lagu soo ashkateeyay inay Cirbado sumeysan ku dureen dhallinyaro ka mid ah wadayaasha gaadiidka loo yaqaano BAJAAJKA ay tahay arrin aan jirin oo caddeyn loo waayey.
Afhayeenka wasaaradda amniga aaa sheegay inaan la oggolaan doonin ficillada ay ku kacayaan wiilasha wadayaasha ka ah gaadiidka Bajaajta si ay wax u yeelaan magaca gabdhaha Soomaaliyeed.
“Waxaan idiin xaqiijinayaa in labadii dhacdo ee toddobaadyadii la soo dhaafay baaritaanno aan ku sameynay aan haba yaraatee ku weynay caddeymo lagu xaqiijin karo arrimahaas, waxaana ku ogaannay in ay tahay arrin khalkhal lagu galinayo amniga iyo xassilloonida guud, cid kasta oo ka been abuurta gabar Soomaaliyeed baaritaannada socda ka dibna caddaaladda la horkeeni doono..” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan).